|

Dawladda Somaliland waa inay joojiso xadhiga iyo cabsi gelinta ay ku hayso suxufiyiinta, isla markaana waxa ku waajib ah inay ixtiraamto Dastuurka Somaliland

Hargaysa, 19 January, 2016-(SDN/QJ): –Gudoomiyaha Ururka Midowga Mareegaha Somaliland ee Somaliland Online Association (SOA) Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale), ayaa waxa cambaareeyey Xadhiga ay xukuumadda Madaxweyne SIILAANYO kula kacday Weriye Cabdi Maalik Coldoon oo ka mid ahaa Suxufiyiinta ka hawlgala Gobolka Togdheer  oo lagu xidhay sifo ka baxsan sharciga, isla markaana ugu baaqay xukuumadda inay si degdega xorriyadiisi ugu soo celiyo.

cabdi-maalikUrurka Midowga Mareegaha Somaliland ee SOA waxa uu walaac ka muujiyay xadhiga Weriyayaasha Somaliland oo marba marka ka sii danbeysa sii badanaya.

Sidaa waxa uu Mustafe-Janaale ku sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo uu soo saaray,waxaanu u dhignaa sidan:

“Aniga oo ah Guddoomiyaha Ururka Midowga Mareegaha Somaliland ee Somaliland Online Association (SOA) ayaa waxaan cambaareynayaa xadhiga sharci-darada ah ee ay xukuumaddu kula kacday Weriye Cabdi Maalik Coldoon maanta oo ay taariikhdu tahay 18/1/2016 xabsiga loo taxaabay

Xadhigan Suxufigan ayaa ah sharci-daro maadama aan loo marin sifo sharciya, taasina waxay ka hor imanaysa xorriyatul-qawlkii, waxaanay u muuqataa inay xukuumadda Madxweyne SIILAANYO caaddeysatay xadhiga, cabudhinta, cago-jugleynta ay ku hayso suxufiyiinta hawlmaalmeedkooda gudanaya, waanan ka xumahay in suxufi aan danbi lagu heynin lagu xidho qaab aan sharciga waafaqsanayn.

Suxufi COLDOON ayaa markii saaka Ciidanka Booliska Magaalada Burco soo qabteen waxa uu ku guda jiray mihnadiisa saxaafadeed, isaga oo wakhtigaas ku sugnaa Xafiiskiisa, Inkasta oo aanay Xukuumaddu Caddeynin sababta u xidhay Suxufigan iyo waxay ku qoonsatay hadana waa caddadeed inay iska xidh-xidho Suxufiyiinta.

Sidaa daradeed waxaan ugu baaqaya xukuumada Madaxweyne Siilaanyo inay si degdega xorriyadoodii ugu soo celiso Suxufi  Cabdi Maalik Coldoon oo sifo sharci-darada ah xabsiga loogu taxaabay,  Xadhiga suxufiyiinta ee soo noqnoqday wuxuu saameyn xun ku leeyahay madax-banaanida war-baahinta. Dawladda Somaliland waa inay joojiso xadhiga iyo cabsi gelinta ay ku hayso suxufiyiinta, isla markaana waxa ku waajib ah inay ixtiraamto Dastuurka Somaliland.

Weriyahan la xidhay ayaa uu ahaa Suxufi aad uga hawlgala arrimaha bini’aadanimada iyo gargaarida dadka dhibaateysan ee Gobolka Togdheer, isaga oo Warar iyo Warbixino uu ka gudbiyay dad dhibaateysan inay sababeen inay noloshoodii dib u kabanto, kadib markii ay bulshada qaarkeed u gurmadeen.

Waxa 29kii November lagu xidhay magaalada Ceerigaabo weriye Barkhad Maxamuud Geedi oo ka tirsan Somalinews. Waxa la sii daayey 30kii November. Sidoo kale magaaladda Burco waxa 28kii bisha lagu xidhay weriye Khadar Cabdirisaaq oo ka tirsan Hadhwanaagnews. Waxa la sii daayay isla maalintaas.

Ururka Midowga Mareegaha Somaliland waxay diiwaangelisay sanadkan 2015 xadhiga labaatan (20) Weriye oo lagu xidhay Somaliland. Wargeyska Haatuf oo la xayiray April 2014, weli wuu xayiran yahay. Waxaanu aad iyo aad uga walaacsanahay xadhiga Weriyayaasha oo ku soo badanaya Somaliland”

Comments are closed