Dawladda Ingiriiska oo Haweenka Muslimiinta ah culays ku saaraya inay bartaan luqadda Ingiriisiga
London, January 16, 2016-(SDN/QJ) :– War Shalay lagu daabacay Jariiradda The Times ayuu Raysalwasaaraha UK David Cameron kaga adlay qorshe cusub oo ay xukuumaddiisa soo wado, kaasi oo lagu cadaadinayo haweenka Muslimka ee dalkaasi ku dhaqan inay bartaan luuqadda Ingiriiska.
Qorshahan ayaa qeexaya in haweenka muslimka ah haddii ayna luuqada dalka lagaga hadlo baran ay muteysan karaan in dalka laga saaro.
David Cameron ayaa sheegay in talaabadan ay doonayaan inay awood u siiyaan Haweenka Muslimka inay la socdaan xaaladda bulshada ay ku dhex nool yihiin isla markaana ay xukuumaddiisa u qoondeysay lacag gaadheysa 20 milyan oo Pound oo loogu talo galay iskuulada sida lacag la’aanta ah u baraya Haweenka luuqada dalka looga hadlayo.
“Halkan waa Britain. Waddankan Haweenka iyo gabadhaha waxay xor u yihiin inay u noolaadaan sida ay doonayaan, waxayna u labisan karaan sida ay doonaan, waxayna sidoo kale jeclaan karaan ciddii ay doonaan. Waa hidaheena iyo dhaqanka dalkan, waana in loo istaagaa in la gacan qabto Haweenkan.” ayaa kamid ahaa hadalada kasoo yeedhay Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron.
Cameron ayaa ku dooday in badan oo kamid ah hooyooyinka Muslimiinta ayna aqoon luuqadda, taasina keenayso in Carruurtooda ayna si fiican ula socon waxa ay qabtaan, isla markaana ayna Caruurtooda ka xakameyn karin fikirada xagjirnimada ah maaddaama ayna aqoon luuqadda dalka lagaga hadlo.