|

“Tani Waa Ollole, Laakiin Waa Ololihii Diiwaangalinta…” Murashaxa ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye+Maxamed Kaahin Iyo Wasiir Caddaani oo Sheegay inay Burco ka wadaan Olole DAAWO

Burco 17.Jan 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa iska difaacay eedaymaha ay u jeedinayaan labada xisbi mucaarad, xisbiyada mucaaradka ah ayaa ku eedeeyay Muuse inuu galay ollole xili aan wali la banayan.

Waxaana guddoomiye Muuse oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Waxa la bilaabay hawshii ugu waynayd oo ah in diiwaangalintii qaranka la galayay.  Waajibkuna waxa uu ahaa inay saddexda xisbi si mugleh uga soo qaybgalaan, anagu waxaanu u nimi oo aanu uga soo qaybgalnay sidii loo dhiirigalin lahaa diiwaangalinta oo komishankana aanu intii awoodayadaa ka caawino oo aanu wacyi galino taageerayaashayada iyo muwaadiniinta oo dhan oo aanu nidhaahno ka qaybgala, tani waa ollole laakiin waa ololihii diiwaangalinta.”

Comments are closed