|

Labadda Xisbi Mucaarid Oo Dacwad U Gudbiyay Komishanka Doorashooyinka iyo Sababaha Keenay

Hargeysa 17.Jan .2016 (SDN/QJ):- Labada Xisbi Qaran Somaliland ee Wadani Iyo Ucid, ayaa Koomishanka doorashooyinka u gudbiyay warqad cabasho ah, oo ay kaga cabanayaan Olole uu bilaabay xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisu ka waddan qaar ka mida Gobolada dalka, xili saddexda xisbi iyo Komishanku kala saxeexdeen in aan la samayn Karin wax dhaafsiisan diiwaangelinta codbixinta.

Xoghayaha xisbiga Waddani Maxamed Uurcadde iyo Xubin ka mid ah Xisbiga Ucid oo warbaahinta kula hadlay Gobolka Togdheer ayaa sheegay in gudida anshaxu wax ka qabto ololaha qaawan ee uu bilaabay xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu“Maanta (shalay), shacabka Togdheer waxaan leeyahay waxaad tihiin tusaalihii reer Somaliland iyo meel ka sareeya aad gaadhan, guud ahaan reer Togdheer aynu isku diiwaangelinno, iyadda oo aan loo eegay xisbi iyo cid kale. Waa hawl qaran, waa hawl aynu wadda leenahay, waxaan jecelahay in aynu hareeraha ka wadda joogsanno.”Ayuu yidhi Uurcadde waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Waxaanu aad iyo aad uga xunnahay Burco waxa ka bilaabmay ololihii kulmiye iyo xukuumaddu bilaabeen waynu u wadda jeednay, anigu haddii aanu nahay xisbiga Waddani anaga oo ilaalinayna midnimadda iyo waddajirka qaranka iyo fulintiisa sidii hawshani u fuli lahayd, mar qudha hal eray kamaanan odhan intaas oo dhanna waanu dhexjoognay maantan eray xun odhan mayno.”

Sidoo kale, Uurcadde wuxuu sheegay in xisbiga taladda dalka hayaa uu hogaansamo shuruucda dalka “Waxaanu jeclahay xisbiga Kulmiye u hoggaansamo wixii xisbiyadda qaranka iyo koomishanka qaranka la saxeexday, oo u joojiyo ololaha uu ka waddo gobolka Togdheer, una hoggaansamo intaa diiwaangelintu socoto in laga joojiyo wax olole ah in laga sameeyo Gobolka”.

Sidoo kale, xubin hadlayay xisbiga Ucid ayaa yidhi “Xisbiga Kulmiye oo oodihiisii iyo dhigihiisii wata inuu soo galay gobolka Togdheer, gaar ahaan magaaladda Burco, isla markaana uu asteeyay meelihii diiwaangelinta ka dhacaysay, oo inta uu Burco ka tagay haddanna oodweyne noo waydaartay. Halkan gudii anshax baa jirtaa, gudida anshaxi way joogtaa haddii ay wax ka qabanayso iyo haddii kalena. Waayo maanta waxaynu u taagannahay waa diiwaangelin oo kaliya, dalka wax kale oo looga baahanyahay ma jirto.”

Comments are closed