|

Xeerkii Baananka Ganacsiga ee Culimadu ka Qayliyeen oo la joojiyey & Mudanayaasha Golaha Wakiillada oo fasax dheer galay

Hargeysa, 17 January, 2016-(SDN/QJ) – Mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Shalay galay Fasaxoodii Caadiga ahaa oo dhan 2 bilood.

Golaha WakiilladaFadhigii Shalay ee Golaha Wakiillada oo loo ballansanaa inuu ka sii socdo Doodda ku saabsan Xeerka Baananka Ganacsiga oo Culimada Dalku ka digeen in la ansixiyo, ayaa galay fasax, si Mudanayaashu ugu kala baxaan deegaannadii laga soo doortay, si ay Dadweynaha ugu wacyi-geliyaan Muhiimadda Diwaangelinta Cod-bixiyayaasha.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo Saxaafaddu waydiisay Sababta xilligiisa looga soo hor-mariyey Fasaxa Mudanayaasha Wakiillada, Maaddaama oo ay ku doodayeen Xeerka baananka Ganacsiga, ayaa ku jawaabay, “Fasaxayagii Caadiga ahaa waxa ka hadhay 8 Cisho, waanad ogtihiin oo Diwaangelinta Cod-bixiyayaasha ayaa bilaabantay,  Xildhibaanno badan waxay ku maqan yihiin Togdheer, waxa kale oo aanu doonaynaa in Xildhibaannada kale u baxaan Gobollada kale isla-markaana ay Dadka ku soo wacyi-geliyaan Diwaangelinta, markaa Sababta aanu 8 Cisho hore ugu soo marinay Fasaxu waxa weeyaan Diwaangelinta loo dareeray.”

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka, ayaa sheegay inay dib ugu noqonayaan Xeerka Baananka Ganacsiga Somaliland, “Xeer kasta iyo wax kasta oo ka soo horjeeda Shareecada Islaamku waa waxba kama jiraan, markaa Xeerkii Baananka Ganacsiga wada tashi dambe ayaanu ula noqonaynaa. Culimadana waxaanu u sheegaynaa Xeer la ansixiyey inaanu jirin ee aanu wada tashi dambe ayaanu ka gelaynaa”

Culimada Somaliland qaarkood, ayaa Maalmihii dambeeyay si adag uga digayey in la ansixiyo Xeerka Baananka Ganacsiga Somaliland oo Culimadu sheegeen inuu jideynayo Ribo Shareecada Islaamku Xaaraantimaysay.

Comments are closed