|

Xukumada Somaliland Oo Qisaas Ku Fulisay Saddex Ruux Oo Ay Ka Mid Tahay Haweenaydii Dishay Ruqiya Siciid Ayaanle

Breaking_News

Hargeysa,17jan,2016(QJ/SDN)-Xukumada Somaliland ayaa saaka qisaas dil ah ku fulisay gabadhii dishay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle iyo wiilkeedii.

Dilkan qisaasta ah oo ka dhacay deegaanka Mandheera , waxaana warbaahinta u xaqiijiyey Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ah walaalo ahaayeen Marxuumad Ruqiya, oo sheegay in qisaasta dilkaasi oo saaka ka dhacay deegaanka Mandheera lagu fuliyey gabadhii dishay walaashii iyo wiil ay dhashay oo isna gacan ku lahaa dilkaasi, sidoo kale waxa dil qisaas ah lagu fuliyey qof kale oo aan wali la xaqiijin waxa uu yahay.

Xukumada Somaliland ayaa dhawaan waxa ay dilal kuwan oo kale ah ugu fulisay afar askari oo hore u dilay saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland .

Qurbejoog.Com

Hargeysa,Somaliland

Comments are closed