|

Toban Talaabo oo Afrika Ka Sugayso Obama Waxaa qoray Johnnie Carson Waxaa inoo Soo Koobaya Xuseen Kurdi

Washington 16.Jan 2016 (SDN/QJ):-Ka dib muddo todaba sanadood ah oo uu xafiiska joogay Madaxweynaha Dalka Maraykanka  Brack Obama waxa uu si weyn ugu hawlanaa Qaaradda afrika marka la dhinac dhigo Madaxweynayaashii ka horeeyey ee Dalkaasi maraykanka, laakiin iyadoo ay joogitaankiisii aqalka cad uga hadhay muddo sanad ahi waxaa weli horyaalla hawlo ay tahay inuu qabto ka hor inta aanu ka guurin aqalka ugu muhiimsan Dalkaasi Maraykanka sida uu faaladan ku diyaariyey Ambassador Johnnie Carson,oo ah siyaasigii ugu sareeyey ee arimaha Afrika u qaabilsanaada maamulkii ugu horeeyey ee Obama, xiligana la taliye u ah hay’adda United States Institute of Peace.

 

tobanMadaxweyne Obama waxa uu wax ka bedelay Siyaasadii Maraykanka ee ku aaddanayd afrika iyo joogitaankii guud ee Maraykanku ku lahaayeen qaaradda, isaga oo isaga dab qaaday dacaladeeda, isla markaana dhaqaajiyey hirgelinta mashaariic badan oo xilliyo hore la sii qorsheeyey, sidoo kalena bilaabay dadaalo taxane ah oo si weyn loo danaynayey kuwaas oo dalalka Qaarada ka caawin kara horumarinta koboca dhaqaalahooda xawaaraha ku socda. Isagoo madaxweyne Obama si firfircoon uga qayb qaatay kor u qaadida arimaha dhaqaalaha iyo horumarinta.

 

Dhanka kale madaxweyne Obama waxa uu dagaal adag ka sameeyey sidii loo cusboonaynsiin lahaa loona fidin lahaa xeerka kobcinta iyo fursadaha ee Afrika oo ah sharciyada ganacsi ee  ugu muhiimsan ee maraykanka kala dhexeeya Afrika, iyadoo Madaxweynahu martigeliyey kulan madaxeedkii u horeeyey ee Maraykanka iyo Hogaamiyayaasha dalalka Afrika, kulankaas oo ay soo xaadireen 37 hogaamiye laguna abuuray mashaariic badan oo dhainaca dhaqaalaha ah oo ay ka mid yihiin mashruuca loo yaqaano (Power Africa) oo ah mid lagu balaadhinayo helitaanka laydhka ee guud ahaan qaaradda Afrika, mashruuca kale ee loo yaqaano Feed the Future oo lagu kordhinayo helitaanka cuntada iyo wax soo saarka laguna curinayo kacaan cagaaran oo Afrika isaga tallaaba, mashaariicdan oo uu soo raaco mashruuca kale ee “Trade Africa” oo lagu balaadhinayo xadiga ganacsiga u dhexeeya Maraykanka iyo afrika.

 

Madaxweynaha Dalka maraykanku isagoo ka dheregsan doorka isa soo taraya ee jiilka dhalinyarada Afrika waxa uu abuuray qorshaha loo yaqaano Young African Leaders Initiative (YALI) oo ah qorshe sanad walba dalka Maraykanka lagu gayn doono  500 oo qof oo ka mid ah ganacsatada dhalinyarada ah ee Afrika, kuwaasoo laga soo xulayo safafka xirfadyahanada iyo ururada bulshada lana soo siinayo tababar shan todobaad ah oo ku saabsan hogaaminta, abaabulka  iyo maamulka.

Hadaba qormadan Johnnie Carson  waxaynu ku eegaynaa waxyaabaha talaabooyinkan xiga ee madaxweyne Obama doonayo inuu Afrika ka sii fuliyo ka hor inta aanu ka deign kursiga madaxweynanaimada, waxana aynu si gaar ah u eegaynaa arimahan soo socda.

Booqashadiisa Nigeria;  Inkastoo Madaxweyne Obama uu shan jeer booqasho ku tegay Qaaradda afrika hadana weli ma booqan wadanka Nigeria oo ah dalka dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan, shidaal ahaan iyo isgaadhsiin ahaanba ugu weyn qaaradda, waana dalka ugu dhaqaalaha balaadhan qaaradda isagoo dhaqaalihiisu labo jeer ka weyn yahay dhaqaalaha koonfur afrika, sidoo kalena sadex jeer ku soo labanlaabmo dhaqaalaha dalka Masar, isagoo Dalka Nigeria noqday wadanka ugu dadka badan Qaaradda, uguna muslinka badan, uguna dimuqraadisan. sidaa darteed waxay Obama ku noqon doontaa khalad aanu dib ka sixi karin hadii uu aqalka cad ka tago isaga oo aan booqan wadanka Nigeria. Waxa kale oo la gudboon madaxweynaha inuu hirgeliyo rabitaanka Nigeria ku doonayso inay xubin kaga noqoto wadamada G 20 ee dhaqaalaha hore uga maray iyadoo metelaysa Qaaradda Afrika.

Martigelinta Shirweynaha dimuqraadiyada ee Gobolka Galbeedka afrika: Xoojinta hay’adaha Dimuqraadiyada, kor u qaadida maamul wanaaga iyo taageerista doorashooyin xor iyo xalaal ah ayaa ah waxyaabaha ugu waaweyn ee uu Maamulka  Obama doorbidayo inuu ka fuliyo  Afrika. Isagoo in badan ku celceliyey in la xoojiyo oo la dhiso Hay’adaha sharciga, halkii laga dhisi lahaa qof ama koox dad ah, taa darteed-na waxaa la gudboon madaxweyne Obama inuu goobjoog ka noqdo qayb ka mid ah riyada Maraykanka ee horumarinta siyaasadda Afrika isla markaana martigeliyo shirweynaha ay isugu imanayaan hogaamiyayaasha sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Galbeedka qaaradda afrika, kuwaas oo kala ah madaxda wadamada Benin, Burkina Faso, Cape Verde, Liberia, Niger, Nigeria, Mali, Mauritania, Senegal, Sierra Leone iyo Togo. Shirkaas oo ah fursad u saamaxaysa Obama inuu gudbiyo farriinta maraykanka ee ku aaddan dimuqraadiyad dhammaystiran oo ka hirgasha gobolkaasi iyo guud ahaanba Qaaradda afrika.

Dhammaystirka Shuruucda Afrika ee Dab dhalinta: Dabka laydh tiriiga ee Afrika waa mid ka mid ah dadaaladii ugu muhiimsanaa ee uu madaxweyne Obama ka sameeyey horumarinta Qaaradda, iyadoo tamarta ugu awooda yar ee ka jirta adduunku ay tahay midda tabaalaysay Qaaradda afrika. Waxaa loogu talogalay in la kordhiyo awooda tamarta Afrika qiyaas dhan 30,000 megawatts inta lagu jiro tobanka ama labaatanka sanadood ee soo socda. Laakiin qorshaha laydhka Afrika ma haysto wax kalsooni sharci ah, waxana suurogal ah in dib looga saaro qorshaha guud ee dawlada maraykanka hadii uu dhamaado wakhtiga uu Obama Madaxweynaha yahay. Qorshahani waxa uu haysta taageerada labada xisbi ee golaha Koongareeska, maamulka Obama waxa keliya ee looga baahan yahay waa inuu kala shaqeeyo golahaasi sidii mudnaanta loo siin lahaa in xeerka kobcinta laydh tiriiga Afrika ay ansixiyaan labada Gole ee Dalkaasi maraykanku.

Arimaha kale ee ay tahay in Madaxweyne Obama ka sii qabto qaaradda afrika ka hor inta aanu xafiiska ka tegin Dhamaadka sanadkan. Waxa ka mid ah:

  1. In uu faro Hay’adda USAID inay abuurto dhaqaale joogto u ah dimuqraadiyadda Afrika.
  2. In uu Aqalka cad ku casuumo Madaxweynaha cusub ee dalka Tanzania John Magufuli.
  3. Kor u qaadista xidhiidhka Maraykanku xiligan la leeyahay wadanka Sudan

Comments are closed