|

“Ayax Teg Eelna Reeb” Mujaahid Cali Guray oo Murashixiinta Xisbiyada Weydiiyey Waxay ka qabaan Xeerka Baananka Fariina u diray Culimada

Hargeysa, 16 January, 2016-(SDN/QJ): –Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa dood adag ka keenay Xeerka Baananka ee Hor yaala Golaha Wakiiladda Kaas oo Is Maandhaaf dhinaca Shareeecada Diinta Islaamka ah ka dhex dhaliyey Culimada Diinta Iyo Golaha Wakiiladda oo Gacanta ku haya Xeerkaas.

cali gurayCali Gurey ayaa qoraal uu ku faafiyey Mareegta uu ku Leeyahay Degelka Xidhiidhka Bulshada ee Facebook Wuxuu ku Yidhi Sidan:- “Sedexda musharax ee u tartamaya jagada madaxwaynaha waxa laga rabaa in ay shacbiga Somaliland u cadeeyaan waxa ay ka qabaan dhibaatadan xeerka baananka ee ilaa 2008dii ay koox daneeda wadaada sheegtaa hor taagnaayeen welin ay hortaagan yihiin.
Marka la soo qaado waxay Markiiba ka been abuuraan xeerka oo mawduuc aan meesha oolin ayay dadka u sheegaan oo waxay ka dhigaan in xeerkani xalaalaynayo ribada oo aynu wada ognahay in dhinaca diinta Islaamka ay xaaraan tahay. Baananku adeegyo badan bay bixiyaan kuwan culimada sheegaynaya lacagta iyo xukunka u waashay waa koox diimeed maanta aynu odhan karno Somaliland dhaqaale ahaan iyaga ayaa gacanta ku haya mana ogola cid aan iyaga ahayn ama iyaga gacanta ugu jirin oo kale inay soo baxdo.

Dhinaca ribada ay ka hadlayaan waxay ogol yihiin labada baan een midina LC toos ah furi karin isla markaana aan wax wada shaqayn ah la lahayn Baananka Caalamiga ah in ay sax tahay dul saarka deynta ay siiyaan cidda shuruudahooda qalafsan ka ogolaata oo dhan 15% ay u bixiyeen Khidmada.

Waxa yaab leh hadaba waxa khidmadda ay labadani qaataana xalaaleeyay ku kale oo khidmad ka yar inta ay kuwani qaataan qaadanaya oo weliba adeeg ka heer sareeya bixin kara dunida oo dhanna ka shaqeeya oo dalalka Islaamka laftooda ka shaqeeya ka dhigay khidmadooda xaaraan. Tan kale ribada oo xaaraan ah in aan bixiyo maxaa marka horeba ii gaynaya?

Maanta masaajidada ay kooxaha wahaabiyiintu gacanta ku hayaan waxa la faray inay xildhibaanadii ka dooday xeerkan shalay oo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ka mid yahay khudbadii jimacaha lagu duro oo weliba laga been abuuro oo laga af legaadeeyo?.

Hadaba waxan aynu arkayno oo dhami waa mashruuc wada socda oo gaadhay ilaa masaajidadii ilaahay ee ahaan jiray goobo cibaado ay intii ugu badnayd gacanta u galeen koox diimeedan oo maanta ay noqdeen macfalo siyaasadeed oo in dano gaar ah lihi ay u isticmaalaan inay ka fushadaan danahooda wada qaldan.

Xaaladdu halka ay maanta marayso in laga aamuso waxa ku sugan dembi waayo MARKA INTA XAQA U EHELKA AHI AY KA AAMUSTO BAADILKA INTA BAADILKA EHELKA U AH AYAA HAWAAWIDA INAY IYAGU KU JOOGAAN XAQ.

Sidaa daraadeed ragga u tafo xaydan doorashada ee doonaya inay madaxwayne ka noqdaan Somaliland hadii ay ka xor yihiin koox hunguridan aan dal iyo dad iyo diin midna u hiilinayn ee sidii geedka Keligii noolaha la yidhaa aan cid kale oo ku ag noolaata ogolayn in talada ay ugu jirto xal u helidoodu inta aan sharciga gacanta lagu wada qaadan een xaalku buutoy buuto wareen gaadhin

Ugu dambaystii culimada diinta ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca waxan leeyahay walaahi baadilka aydin og tihiin ee arkaysaan hadaa ka aamusnaataan oo aydaan dadkiina iyo dalkiina iyo diintiina u hiilin ilaahay idinka dhaafimaayo waayo inta wax og baa tihiin Ilaahayna si uma wada xisaabiyo maalinta qiyaame inta wax og iyo inta aan wax ogayn( HAL YASTAWI LADIINA YACLAMUUNA WA LADIINA LAA YACLAMUUN)

Comments are closed