|

Baarlamaanka Somaliland oo hore u ansixiyey Xeer ku lid ah Dastuurka iyo Diinta Islaamka oo jideynaya qaadashada Ribada

Hargeysa 16 January, 2016 (SDN/QJ):- Golaha Baarlamaanka, ayaa cod aqlabiyad ah hore ugu ansixiyey xeer ka horimanaya Dastuurka iyo shareecada Islaamka oo jidaynaya qaadashada Ribada.

golaha-wakiilada1Xeerkan oo xubno gaadhaya 48 mudane u codeeyeen 9-06-2007, isla markaana Madaxweynahii hore Daahir Rayaale dhaqangeliyey laguna magacaabo “Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka” ee Xeer No23/2002 ayaa si cad ugu ogolaanaya Dawladaha Hoose ee dalka inay qaadan karaan dakhli RIBO ah.

QODOBKA 84’aad ee Xeer No23/2002 oo ka hadlaya meelaha Dawladaha Hoose ka heli karaan DAKHLIGA, ayaa farqadiisa 8aad si cad uga muuqata qoddob fasaxaya inay qaadaataan RIBO, waxaanu u dhigan yahay sidan:

  1. DULSAARKA ay ka helaan lacagaha ay Bankiyada dhigtaan iyo Deeqaha dibadaha ay ka helaan (Caalami ama Wadani).

Xeerkan ayaa gebi ahaanba ka horimanaya Dastuurka Somaliland oo saldhig u tahay Shareecada Islaamka, isla markaana burinaya wax kastoo ka horimanaya Diinta Islaamka.

Qodobka Saddexaad, farqadiisa 6aad ee XEERKA BANKIGA DHEXE wuxuu odhanayaa “Xeerka Baanka Dhexe ee Somaliland waxaa saldhig (Applicable Law) u ah Shareecadda Islaamka iyo Dastuurka JSL. Isla qodobkaas farqadiisa 8aad waxay odhanaysaa “Maadaama saldhiga, maamulka iyo adeega Baanka Dhexe ee Somaliland yahay SHAREECADDA ISLAAMKA, waxaa reeban amaah kasta oo jideynaysa manfac DULSAAR”.

Ogaanshaha xeerkan sharci-darada ah oo Wargeyska Himilo ku helay baadhitaano uu dib ugu samaynayey xeerarkii hore Golaha Wakiiladu u ansixiyeen, ayaa ku soo beegmaya xilli uu taagan yahay khilaaf ka dhashay xeer kale oo jidaynaya qaadashada RIBADA, oo Xildhibaanada Wakiilladu dooddiisa ku jiraan, balse guud ahaan culimada Dalka iyo Shacabku si weyn uga horyimaadeen ansixintiisa, kulana taliyey xubnaha wakiilada inaanay u horseedin dalka halaag iyo masiibo laga dhaxlo ansixinta arrin Ilaahay mamnuucay ku dhaqankiisa.

Comments are closed