|

Barmaamij Siyaasadeedka Xisbiga WADDANI Oo Lagu Lafa’guray Xarunta Daraasaadka Magaalada London Ee Chatham House

London 16. Jan 2016 (SDN/QJ):-Kullan balaadhan oo maalintii shalay ahayad ka dhacay Magaalada London,gaar ahaana xarunta daraasadka caalamiga ah ee Chatham House, ayaa waxa si weyn loogu lafa’guray barmaamij siyaasadeedka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu doorashooyinka fooda inagu soo haya ku gelaayo, kaas oo lagu soo bandhigay xaruntaasi.

a29545c5-90f1-423a-a82b-c0b8fd56ca7cMunaasabad balaadhan ee ka dhacday xarunta Chatham House ayaa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro iyo xildhibaano katirsan golaha wakiilada Somaliland iyo la-taliyaha ee dhanka arimaha debada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Marwo Faadumo Siciid iyo waliba masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee dalka UK.

Dhanka kalena kullanka ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan dowlada UK iyo daneeyayaasha doorashooyinka somaliland ee beesha caalamka  iyo xubno aqoonyahano ah,

 

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI c/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo madashaasii ka hadlay ayaa si hufan ugu sharaxay barmaamij siyaasadeedka xisbiga WADDANI masuuliyiintii ka soo qayb-galay iyo aqoonyahankii,waxaana xusid mudan inay si mugle u soo dhaweeyeen barmaamij siyaasadeedka xisbiga WADDANI.

 

 

Ugu dambayntii Xisbiga WADDANI ayaa horre barmaamij siyaasadeedkiisa qaybyo qoraalka ah  wuxuu ugu soo bandhigay xarunta baarlamaanka dalka UK iyo xarunta baarlamaanka midowga Yurub ee magaalada Brussels iyadoo maalintii shalay ahayd-na lagu soo bandhigay xarunta daraasaadka magaalada London ee Chatham House,

Comments are closed