|

Maalmihii Bashaar Al Asad,Dharaaraha Milayga Wata Iyo Dirrirta ka Oogan dalka Suuriya Qormo Taariikheed DAAWO

Dimishiq 14 January, 2016 (SDN/QJ):- Bashar Hafez al-assad wuxuu ku dhashay caasimada dalka suuriya ee dimishiq sanadkii 1965. Waxaanu ku soo koray dalkaasi.Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sareba wuxuu ku dhamaystay xarunta dalka suuriya ee dimishiq. Dugsiga uu dhigan jiray waxa la odhan jiray” Al-Huuriya school”.

Bashar-al-Assad-007
In badan oo dadka ka mid ahi maanta waxa ay is waydiinayaan Shakhsiyadda Bashaar Al Asad, Calawiyiinta iyo sida ay u burburinayaan wadanka Suuriya oo ka mid ahaa dalalka ugu muhiimsan dunida Muslimka taariikh ahaan iyo dhul ahaanba iyo Waxaa ka dhacay Goobo ka Mid ah Dalka Suuriya Waxay qaramada Midoobay ugu Yeedhay Xasuuq, Maadaama ay sheegeen in Maamulka Bashaar uu adeegsaday Hub Kiimikal ah (Chemical Weapons) oo sahayday nolosha kumanaan qof oo u badan Caruur iyo dad waayeel ah.

Sanadkii 2000 geeridii aabihii ka dib waxaa loo magacaabay Bashaal Al asad xoghaya guud ee xisbigul bacaska Suuriya, laba cisho ka dibna golihii xisbiga ayaa u magacaabay musharaxa m/weynaha Bashaar.

Ka dib fadhi ay yeesheen golihii baarlamaanka dalkaasi waxay ansixiyeen magacaabistii. 10-kii july 2000 wuxuu u tartamay jagada m/weynaha oo aanay cidi kula tartamin, waxaana loo doortay todobo sano inuu dalkaasi hogaamiyo.

Sida aynu la wada socono waxaa dalka Suuriya ka oogan Dirir Sannado soo socotay oo u dhaxaysa Xukuumada bashaar iyo Xoogaga Mucaaridka Waxaa madhalays noqday Shir ay qaramada midoobay dabada ka riixayso kaas oo ay uga dan leedahay sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka taagan dalkaasi.

Comments are closed