|

Shaqaalihii Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Ciidammada Itoobiya u dhaadhiciyeen Jigjiga oo ku soo Nabad noqday Caasimadda Hargeysa

Hargeysa 14 January, 2016 (SDN/QJ):- Hawlwadeeno ka tirsanaa wasaarada Caafimaadka oo Ciidamada Itoobiya Doraad u kaxeeyeen magaalada Jigjiga ayaa ku soo laabtay magaalada Hargeysa.

 

Shaqaale la afduubayHawl-wadeenadan Wasaarada Caafimaadka oo afar xubnood ka koobnaa ayaa hore ciidamada Itoobiya uga kaxeeyeen xuduudka laada wadan wadaagaan deegaanada gobolka Hawd, ka dib markii la sheegay inay si kama ah u galeen gudaha xuduudka Itoobiya.

 

Xubnahan oo markii hore la geeyey magaalada Harta-sheekha ee dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ka tirsan ayaa la sheegay in si wanaagsan ula dhaqmeen ciidamadii kaxeeyey, ka dib markii ay ogaadeen inay ahaayeen hawl-wadeeno ka tirsan Wasaarada Caafimaadka Somaliland.

 

Afartan qof oo laba hablood iyo direwalkii iyo nin kale ka koobnaa ayaa la sheegay in markii la geeyey magaalada Jigjiga, si wanaagsan ugu soo dhoweeyeen masuuliyiin ka tirsan dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, kana raaligeliyeen falka hubinta ee ciidamada Itoobiya u soo kaxeeyeen.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Mr. Saleebaan Jaamac Dirir oo shalay subax magaalada Wajaale ee xuduudka Somaliland kaga hortegay shaqaalaha oo ciidamada Itoobiya iyo masuuliyiin ka socotay dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya si nabadgelyo ah u soo gaadhsiiyeen ayaa wargeyska Himilo u sheegay inay soo gaadheen.

 

Agaasime Saleebaan Jaamac oo wargeyska Himilo wax ka weydiiyey xaalada keentay in hawlwadeenadan loo kaxeeyo magaalada Jigjiga ayaa sheegay inay si kama ah u galeen gudaha xuduudka Itoobiya, maadama uu leexleexdo khadka xuduudka u dhexeeya laada dal, waxaanu yidhi,

 

“Waa la soo daayey hawl-wadeenadii oo xadka Itoobiya ayey ku yara-khaldameen, maadama xadku qalqaloocdo. Markii la geeyey Jigjiga masuuliyiinta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaan ka wada hadalnay, si fiican ayaana loo soo dhoweeyey, insha alaah, galabta inaan Hargeysa ku soo laabano ayaan rajaynaynaa.” Ayuu yidhi, Mr. Saleebaan Jaamac, mar aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay shalay.

 

Dhinaca kale, Xamda Cawil Garaad Maxamuud, oo ka mid ahayad hawl-wadeenada wasaarada Caafimaadka oo ciidamada Itoobiya ka kaxeeyeen xuduudka Itoobiya ayaa sheegtay in si fiican loola macaamilay, isla markaana u soo dhoweeyeen masuuliyiinta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, kana raaligeliyeen dhacdadii lagu soo kaxeeyey, waxaanay tidhi,

 

“Dhab ahaan waan caafimaad qabnaa dhamaan, si wanaagsana waa naloo soo dhoweeyey, oo wasiirka Caafimaadka iyo wasiirka Deegaanka ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa noogu yimi Jigjiga, nagana raaligeliyey dhacdadii ciidamada Itoobiya nagu soo kaxeeyeen.” Ayey sheegtay Xamda Cawil, mar wargeyska Himilo khadka telefoonka kula xidhiidhay iyagoo jooga magaalada Jigjiga.

 

“Immika mar dhow ayaa naloo soo kaxaeyn doonaan magaalada Wajaale oo madaxa wasaarada Caafimaadku nagu sugayso, wax dhibaato ahna meelna kalama kulmin, ciidamadii iyo jigjiga toona.”

 

Dhamaan hawlwadeenadii wasaarada Caafimaadka ee la geeyey magaalada Jigjiga iyo masuuliyiintii wasaarada ayaa la sheegay inay ku soo nabad noqdeen magaalada hargeysa shalay galab.

Comments are closed