|

Mudane Siciid Cilmi Rooble Si adag ula Hadlay Cullimada dalka kuna Dooday in la ansixiyo Xeerka Baananka Ganacsiga oo la Waafajiyey Diinta Islaamka DAAWO

Hargeysa 14, January 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa ku dooday in xeerka baananka Ganacsiga ee Golaha wakiilada horyaala  uu horumar weyn ku kordhinayo bulshada Somaliland.

xildhibaan siciid cilmi roobleXildhibaanku waxaa uu  sheegay in xeerkani laga badalay qodobkii Ribada dadka laga  qaadayey islamarkaana loo badalay Khidmad, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo arimahan ka hadlaya waxaa uu yidhi “Baanku waxaa uu leeyahay kun macaamil  oo  kale waanu inoo faaideynayaa, waxaynu dhoofinaa xoolo dabadeedna waynu ku silicnaa, laakiinse marka  uu  halkaasi British baankii, French baankii, iyo maraykan baankii kuu yaalo ictimaad ayaad fureynaysaa”

Xildhibaanka oo hadalkiisa siiwataa waxaa uu intaasi ku  daray“Baatroolkiibaa kacay, raashinkiibaa kacay waxan imika ina haysta haduu baanku joogo halkaasi ayaad aayar ka dirranaysaa oo aad leedahay markab baariisa iisoo rar lacagtiina waataas, qiimihiisa dawladu way xukumi kartaa, shidaalkan aynu la waalanay ee hadba mid xaaraana iyo mid inaga gubba baabuurta aynu keenayno halkanaynu ka diraynaa”

Xildhibaan waxaa uu dhaliilo u jeediyay Culimada dalka oo iyagu xeerkan kasoo horjeeda islamarkaana ku taliyay inaan la ansixin “Hadaan mid maanta halkaasi ka hadlaya (Cullimada ) oo leh ribaa la wadaa aad maqashaan oo dadkana wax ku akhriya ileyn qur’aankana wuu iga yaqaanaaye, waxba haka maqlina ,nimankaasina waxba ku tiigaali maayo, waxaan shacbiga reer Somaliland u sheegayaa hadii la idin odhan doono ama khudbadaha jimcaha lagu soo qaato oo la idin yidhaahdo ribaa la doonayaa, Shacbiga reer somalilandnoow waa been , xeerkii waanu ka badalnay  khidmadbaanu ku qornay, ninka leh khidmadi waa xaaraanoow kaalay” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Xeerka Baananka Ganacsiga ayaa buuq ka abuurey golaha wakiilada somalliland kadib markii mudanayaashu isku qabsadeen ansixinta xeerkaasi, Sidoo kale waxaa iyaguna ka digey in xeerkani la ansixiyo cullimada Somaliland oo ku dooday inuu baalmarsanyahay shareecada Islaamka.

Comments are closed