|

Suxufiyiin Reer Somaliland ah oo Shir Dawladda Soomaaliya qabatay kaga qayb-galay Muqdisho & Xukuumadda oo ka muquuratay ka hadalka Sharciyadda ay ku tageen

Muqdisho 14 January, 2016 (SDN/QJ):- Laba Suxufi oo Somaliland u dhashay, ayaa la sheegayaa inay sifo sharci-daro ah kaga qeybgaleen magaalada Muqdisho, shirweyne Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya soo qabanqaabisay oo ku saabsanaa Istaraatijiyadda Shanta sanno ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliya.

suxufiyiinta muqdisho

Labadan suxufi oo kala ah Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo ah Agaasimaha guud ee Telefishanka HCTV iyo Axmed Cabdiraxmaan Xirsi (Heelo) oo ka tirsan telefishankaas, ayaa la sheegay inay ka qeybgaleen shir siyaasadeed Xukuumadda Soomaaliya soo abaabushay oo socday kana soo qeybgaleen Shirkaasi oo socday muddo labo maalmood waxaa ka qeyb galeen Wasiiro ka socda Soomaaliya, iyo qaar metelayey maamul-goboleedyada Soomaaliya.

 

Shirka oo muddo laba maalmood ka socday magaalada Muqdisho oo ka qeybgalayaashii ka soo saareen 13 qodob, u ka mid yahay:

 

“Ka qeybgalayaasha waxey xuseen in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku midoobaan horumarinta warbaahinta dalka iyo wacyigelinta bulshada, sida Dastuurka, nidaamka federaalka, doorashooyinka, amniga, dib-u-heshiinta, iyo Dowlad-wanaagga. Waxaana la isla gartay in si mideysan oo xilkasnimo leh looga wada howlgalo iyadoo Wasaaradda Warfaatina ay door hoggaamineed ku yeelaneyso.”

 

Shirkan noocan oo kale ee lagaga hadlayey siyaasadaha Soomaaliya ayaa hore go’aan labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland uga soo saareen mamnuucaya ka qeybgalkiisa, isla markaana lagu caddeeyey in qof kastoo ku abtirsada Somaliland ee ka qeybgala loo aqoonsanayo inuu khiyaamo qaran ku kacay, dhamaana hay’adaha ku shaqada leh faraya inay maxkamadaha awoodda u leh horkeenaan.

 

Sida ku cad: Go’aanka Labada Gole Guurtida Iyo Wakiilada Ee Madaxweynuhuna Saxeexay sannadkii 2003, ayaa noqonaya mid labadan suxufi ee u dhashay Somaliland jebiyeen, isla markaana looga fadhiyo hay’adaha ku shaqada leh inay waajibkooda ku aadan ka gutaan.

 

In cid alaale iyo cidii ku abtirsata Somaliland, dawladd, shicib, Afraad, Ururo, Axsaab, NGO-yada, Aqoon ayahanada, Madaxdhaqameedyada, Suugaan yahanada iyo dhamaanba noocyada ururada Bulshada aanay sinaba uga qayb gali Karin shir kasta iyo arin kasta oo lagaga hadlayo Hindisayaasha Somalia ama lagu heshiisiinayo dhinac ka mid ah kooxaha Somalia ama iyagoo isku dhanba.

 

 

In cid alaale iyo cidii ku abtirsada Somaliland ee ka qayb gasha shirarkaas ama abaabusha ama ku taageerta sifo kasta Qawl, Ficil iyo Qoraalba kaga qaybgasha wada hadalada Somalia ee qodobkaa 1aad tilmaamayo loo aqoonsado dambiile khiyaamo qaran1, taas oo waajib ay ku tahay dhamaanba hay’adaha ku shaqada leh inay hor keenaan Maxkamadaha awooda u leh iyadoo la raacayo xeerarka uu tilmaamay dastuurku ee qodobka 130aad farqdiisa 5aad2.

Dhinaca kale, wargeyska Himilo oo isku deyey inuu wax ka weydiiyo masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, waxay kala socdaan labadan suxufi ee Muqdisho kaga qeybgalay shir siyaasadeed Soomaaliya u qabatay warbaahintooda ayaa gebi ahaanba afka ka xidhay ka hadalkeeda.

 

Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Cabdillahi Daahir (Cukuse) oo Wargeyska Himilo Xalay Khadka Telefoonka ku waydiiyay wuxuu kala socdo laba suxufi oo shir siyaasadeed kaga qeybgalay Soomaaliya ayaa ku jawaabay,

 

“Gaadhi ayaan wadaa, meel cidhiidhi ahna waan marayaaye, igu soo celi..”. Laakiin, mar dambe oo Weriye Wargeyska Himilo ka tirsan ku celiyey xidhiidhkii khadka telefoonka ayaa gebi ahaanba lambaradiisu waxay noqdeen qaar xidhan.

Comments are closed