|

Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu Xiisad ka Dhex abuuray Xeerka Baananka oo Shareecadu Xaaraan-timaysay

Hargeysa 13.Jan 2016 (SDN/QJ):-Golaha wakiilada ayaa shalay si adag isugu maandhaafay xeerka baananka ganacsiga oo ay culimada dalku ku tilmaantay mid ribo ah oo aan banaanayn in golaha wakiiladu ansixiyo.

GOLAHA WAKIILADA 1Xeerkan ayaa wuxuu shalay golaha ka abuuray dareen xaasaasi ah, waxaana golaha warbixin ka hor jeedisay guddi ka madaxbanaan guddi hoosaayada golaha oo xogo soo ururiyay kuwaas oo kulamo la yeeshay culimada dalka. Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo guddoomiye u ah guddigaas ayaa wuxuu ka waramay kulamadii ay guddigu culimada dalka ugu waaweyn la yeelatay oo ka koobnaa 12 sheekh, waxaanu sheegay inay culimadaasi soo jeediyeen in la joojiyo xeerkaas. “Markii aanu culimadaas la kulanay waxaanu isla qaadanay inay waajib diiniya iyo distoori tahay in laga dheeraado macaamil kasta oo ku dhisan ribo, waxaanu isla qaadanay in goluhu u hoggaansamo talada culimada taas oo ku salaysan shareecada islaamka iyo distoorka, waxaanu isla qaadanay in gebi ahaanba la joojiyo hawshan dibna loogu celiyo xukuumadda maadaama ay xaaraan tahay in cod loo qaado arrin shareecada islaamku diidantantahay.” ayuu yidhi xildhibaan Siciid.

Xeerkan ayaa ah mid xaasaasi ah, waxaanay xildhibaanada taabacsan dedaal ugu jiraan ansixinta xeerkan, halka ay kuwo kalena si adag uga soo horjeedaan. Guddoomiye-xigeenka golaha ayaa sheegay in maanta la isu soo noqon doono.

Comments are closed