Maxkamadda Jigjiga Oo Xorriyadooda Dib Ugu Soo Celisay Shaqaale Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland
Wajaale,12Jan,2016(QJ/SDN)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimadka ee Somaliland Saleeban Jaamac Dirir ayaa Magaalada Tog-wajaale ku soo dhaweyey qaar ka mid ah Shaqaalaha wasarada Caafimadka ee Somaliland oo Ciidamada Itoobiya ka Kaxaysteen Xududka u dhexeya Somaliland iyo Itoobiya.
Maxkamada ismaamulka Somalida Itoobiya ee Jig-jiga ayaa Xoriyadooda u soo celisay shaqalaahasi ka dib markii maxkamadu ogaatay in Shaqaalahaasi iyaga oo ambad ah xuduudka ka talaabeen sidaasi ay Itoobiya ku galleen.
shaqaalahan ayaa wakhtigaasi ku guda jiray hawlaha caafimaad ee Deeganada xududaha Soamliland.