Shirka dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo si rasmi ah uga furmay Magaalada Jowhar SAWIRRO
Jowhar,12Jan,2016(QJ/SDN)-Shirkan oo Muddo dheer la wada Sugayay ayaa ugu dambeyntii maanta si rasmi ah uga furmay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe, waxaa furitaanka shirka khudbo dheer ka jeediyay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh.
Waxaa siweyn loo adkeeyay dhamaanba ammniga magaalada Jowhar gaaraan jidadka galla Xarunta uu Shirku ka furmay, iyadoo lagu arkayo ciidammo isugu jira kuwa Dowladda iyo AMISOM.
Xaflada furintaanka shirka waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan, xildhibaano iyo ergooyinka loogu talo-galay inay shirkaan ka Qayb-gallaan oo ka kala socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Madaxweynaha Somalia oo khudbo ka jeediyay furitaanka shirka ayaa booriyay gabi ahaan ergada howl-wadeennada shirka in ay dadajiyaan dhismaha maamulka labada gobol oo si looga baxo baahida labada gobol ay u qabaan nidaam ay ku mideysan yihiin.
“Waxaa rabaa in aan halka ka cadeeyo in dowladda federaalka Somalia gacan ka geysan doonto sidii loo dhameystiri lahaa maamulka loo sameynayo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, waxaa munaasabadda furitaanka shirka ka hadlay waxgaradka iyo ergooyinka labada Gobol oo iyaguna ballan-qaaday in ay ka Qayb-qaadanayaan dhismaha Maamulka labada gobol.
Ugu danbeyntii shirka maanta ka furmay magaalada Jowhar ayaa ku beegmaya xili qaar ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan qaadaceen ka qeyb-galka shirka