Madaxweyne Siilaanyo Dhaqangaliyay Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta Somaliland
Hargeysa,12Jan,2016(QJ/SDN)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhaqan galiyay xeerka ilaalinta kaymaha iyo duurjoogta Somaliland, kaas oo dhawaan uu ansaxiyay golaha wakiilada Somaliland. War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sin “Taariikh: – 12/01/2016
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/WM/249-3775/012016 uu ku Dhaqan-geliyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta Xeer Lr. 69/2015. MADAXWEYNUHU:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF- 29/673/2015 ee ku taariikhaysan 21/12/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta JSL Xeer Lr. 69/20 Wuxuu soo saaray Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta ee Jamhuuriyadda Somaliland Xeer Lr. 69/2015.
ALLAA MAHAD LEH
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)