|

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xukun ku Ridday Nin Lagu Soo Eedeeyay Inuu Faafinaayay Mad-habta Shiicada


Hargeysa,12jan,2016(QJ/SDN)-Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun iyo ganaax ku riday laba nin oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Pakistan oo mid ka mid ah January 6, 2016 Somaliland xabsiga u taxaabtay.

Maxamed Rasa iyo Hashim Makera oo Somaliland ku soo galay ganacsade ayaa lagu helay inuu muddooyinkii u dambeeyay Somaliland ku fidinayay Mad-habta shiicada, waxaanay Maxkamada Degmada Hargaysa ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo saddex milyan Shiling Somaliland, iyadoo maxkamadduna xustay in marka ay dhamaystaana dalka laga mastaarufiyo.

 “Dambiilayaal Maxamed Rasa Xuseen oo da’diisu tahay 63 jir iyo Hashim Makera oo ah maqane oo ku gafay qodobka 314 xeerka ciqaabta guud, khalkhal galin arimo diimeed iyo xeerka socdaalka ee 72 xeerkaasi oo soo baxay 1995-kii,waxa lagu xukumay min hal sanno oo xadhig ah iyo min saddex milyan oo Somaliland shilling ah oo ganaax raacsan ah “ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamada degmada Hargeisa Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Waxaa isaguna ka hadlay ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka kana Hawl-gala Gobolka Maroodi-jeex, C/raxmaan Muxumed ayaa sheegay inay ka biyo-diidsan yihiin go’aanka maxkamadu soo saartay

“Waxaanu eedaysanaha Maxkamada horjooga iyo kuwa maqanba aanu ku soo eedaynaya inay qal-qal-gelinayaan diinta Islaamnka gaar ahaan Sunniga oo dadka deegaanku aamin-sanyihiin,waxaanu maxkamada horteeda ka cadaynayay inuu ku gafay qodobada aanu ku soo eedaynay,markhaatiyo ayaanu gaynay iyo caddeymo, waxaanu filaynay in maxkamadu noogu xukunto ciqaab culus, maadama uu duullaan ku ahaa deegaankan iyo dadka ku nool iyo Diinta Islaamka, isagoo waday qal-qal-galin diimeed iyo inay shacabka isku dhacaan; dhinaca nabad-galyadana uu khatar ku ahaa,” ayuu yiri Xeer-ilaaliye ku xigeenka gobolka Maroodi jeex Cabdiraxmaan Muxumed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay rafcaan ka qaateen go’aankaasi ka soo baxay maxkamada degmada Hargaysa isla markaan darajada labaad la tagi doonaan. isagoo yiri. “Waxa lagu Xukumay xukun yar oo fudud; sidoo kalena aanu ka baqaynayno in Xarigga laga iibisado hawshiisiina halkii kasii wato, waxaanu ka qaadanay rafcaan,“ ayuu raaciyay.

Dhinaca kale, Culummada Somaliland ayaa iyana sheegay inay soo dhawaynayaa Xukunka ay Somaliland ku ridday labadaan nin madaama ay fidinayeen wax qal-qal ku ridday Diinta Islaamka, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay Culuumadu ay ka hadlayeen dad la Sheegay inay mad-habta Shiicidda ku fidinayaan dalka.

Comments are closed