Shirweynaha Qaran Ee Horumarinta Saxaafadda Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furmay iyo Suxufiyiin Reer Somaliland Oo Lagu Dhex Arkay
Muqdisho,11Jan,2016(QJ/SDN)-Waxa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si rasmi ah uga furmay Shirweyne qaran oo lagaga hadlaayo istaraajiyadda horumarinta Saxaafadda soomaaliyeed ee 5-ta Sanno ee soo socota.
Shirkan waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaare ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte, wasiirka warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirrada Warfaafinta Puntland, Galmudug, Koonfur-galbeed iyo Wakiillo ka socday Jubbaland.
Sidoo kale, shirkan waxa ka qayb-galay Agaasimaha telefishanka Horn Cable TV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), iyo Guddoomiyaha Wargayska Sahan, isla markaanna ah Wariye ka tirsan Telefishankaas HCTV Mr Heello, Wakiillo ka socday Hay’addaha u doodad Saxaafadda, Madaxda ururrada saxaafadda madaxa-banaan ee dalka iyo qaar ka mida ah Agaasimeyaasha xarumaha Warbaahinta Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo shirkaas furay ayaa sheegay in shirkani yahay mid ahmiyad gaar ah leh, isla markaana la rabo in laga soo saaro is-taraatijiyad ay ku shaqeyn karto Warbaahinta Soomaaliya shanta sanno ee soo socda.
Wasiirka Warfaafinta, hidaha iyo dhaqanka dowladda Somalia, Maxamed Cabdi Xayir oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada shirkan ay tahay in marka koowaad laga doodo istaraatijiyada shanta sano ee warbaahinta dalka iyo in sidoo kale lagu soo bandhigi xeerkii saxaafadda Soomaaliya ee uu baarlamanku ansixiyay Madaxweeynuhuna saxiixay.
Sidoo kale waxaa meesha ka hadlay xoghayaha ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed Max’ed Ibraahim Bakistaan, isagoo ka sheekeeyay marxalidihii kala duwanaa ee uu soo maray xeerka saxaafadda Soomaaliya, kaa oo uu xusay in ka urur ahaan ay kaalin weyn ku lahaayeen.
Madaxda maamul-gobleedyada oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa waxay shegeen inay soo dhaweynayaan sharciga xeerka saxaafadda Somalia ee uu baarlamaanku Ansixiyay, iyagoo sheegay in qodobbo ay jeclaayeen in wax laga badalana ay ka rajeeynayaa gudiga gacanta ku haya in ay ku daraan xeer hoosaadka uu yeelan doono sharcigaasi.
Kulanka ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo berry oo Talaado ah, iyadoo laga soo saari doono Warmurtiyeed ku saabsan Qodobbada ay isku af-garteen dhinacyada Warbaahinta Soomaaaliyeed.
.
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland