|

Sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland oo ka Hadlay Geerida Alle ha u naxariistee Marxuun Abwaan Cali Sugule Duncarbeed

Hargaysa 11.Jan 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, isagoo ku haddlaya magiciisa, ka shir-Guddoonka golaha Wakiilada Somaliland,ka Xisbiga WADDANI iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI, waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa shacab weynaha reer Somaliland , gaar ahaan Abwaannada, Fannaaniinta , Qoyskii ,Eheladii Qaraabadii,iyo asxaabtii uu ka baxay, isagoo ka tacsiyadeynaya Geeridii naxdinta lahayd ee ku Timi Marxuum Abwaan Cali Sugul (Dun-carbeed) oo ku geeriyooday maanta dalka isu-taga Imaaraadka Carabta taariikhda 11.1.2016

Cali Sugule
Guddoomiyu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey tiir dhexeed ka baxay bahda Fanka Iyo suugaanta,isagoo xusay guddoomiye Cirro inuu Marxuum Cali Sugule ka mid ahaa raggii dhidibada u taagay Fanka Soomaaliyeed, Waxaana uu ka mid ahaa raggii la dagaalamay gumeysigii Ingiriiska.

Guddoomiye Cirro waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatul-Fardawza uu ka waraabiyo,Abwaanada, Fanaaniinta, Qoyskii ,Eheladii ,Qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aaamiin….Aaamiin…Aaamiin IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Sidoo kale Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda fanka, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla, gaar ahaana shacabka reer Somaliland geerida ku timi Abwaankii caanka ahaa Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) oo ku geeriyooday magaalada Shaariqa ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) (11/01/2016).

Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) waxa uu xaalad caafimaad u yaallay cusbitaal ku yaalla magaalada Sharjah ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta muddooyinkii u dembeeyey, halkaas oo ugu dembeyntiina ajasha Alleh (SWT) ku heshay.

Mudane Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) inuu Abwaanku ka mid ahaa rukunnadii waa weynaa ee horumarka gaadhsiiyey Fanka Bulshada Soomaalida, kaasoo curiyey ruwaayado iyo sugaan badan, kuwaasoo intooda badani ahaayeen wacyigelin uu kaga qeybqaatay halgannadii kala duwanaa, laga soo bilaabo halgankii xorunimo-doonka, wixii ka horreeyey sannadkii 1960-kii iyo halgannadii kala dembeeyey.

Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda fanka, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla, gaar ahaana shacabka reer Somaliland. Aamiin…. Aamiin….Aamiin.

Dhinaca kale Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu geerida Abwaan Cali Sugule ka tacsiyadeeyey bahda Fanka iyo suugaanta, gaar ahaan qoyskii, eheladii, qarabaadii uu ka baxay Marxuumku.

 

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay Jamaal Cali Xuseen oo caawa nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay Xafiiska Shabakada Wararka ee qurbejoog.com ee Magaalada Hargeysa.

 

“Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen,isaga oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga UCID, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda fanka, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla, gaar ahaana shacabka reer Somaliland geerida ku timi Abwaankii caanka ahaa Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) oo ku geeriyooday magaalada Shaariqa ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) (11/01/2016).

Marxuumka oo muddooyinkii u danbeeyey bukaan jiif ku ahaa Cusbitaal ku yaalla magaalada Sharjah ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta uu isla maanta ku geeriyooday.

 

Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) ku sifeeyey inuu ahaa  Abwaan ka mid ahaa rukunnadii waa weynaa ee Fanka iyo Suugaanta Soomaalida, waxaanu curiyay suugaan baddan oo isugu jirta ruwaayado iyo Heeso u baddan wacyigelin.

 

 

Murrashuxu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda fanka, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla, gaar ahaana shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay

 

Aamiin…. Aamiin….Aamiin.”

 

Comments are closed