|

SHEEKADU WADAN-WADAN MA AHEE WAA MAD-HAB SOOMAALAAY

بسم الله الرحمن الرحيم
Maalmahan ugu danbeeyey ayaa waxay xurguf badani ka dhex bilaabantay dalalka
Saudi Arabia iyo Iran
Taasi waxay sababtay in dawlado badan oo carab ahi xidhiidhka u jaraan iran,

Hadaba sababta igu kaliftay qoraalkan ayaa ah maqaal la soo dhigay wargeyska
Hadhwanaag oo cinwaankiisu u qornaa sida tan (Soomaalidan Waalan Maxaa
Sacuudigana Ka Gallay Iyo Kuwaa
Hirdamayaba Ee Hirdanku Ka
Dhaxeeyo?)Runtiina ma ahayn maqaal si cilmiyeysan u qoran lkn suaashu waxay
tahay maxaa la isku hayaa se yaa khilaafka bilaabay ama gardaran?
Dawladda boqortooyada Saudi arabia ayaa xukun qoor-goyn ah ku fulisay 47 qof
oo lagu helay falal mucaaradad iyo khalkhal Ammaan ah, dadka la dilay oo uu
ka mid ahaa Sheekh namr al namr oo ahaa sheekh ku dhashay bariga sacudiga oo
wax ku so bartay Iran iyo Syria wadaadkan ayaa mucaarad laga fadhiisan
waayey ku noqday sucudiga isagoo marna ugu hanjabay inuu goosan doono
gobolka bari ee sacudiga oo shiico u badan. Iyadoo lagu dhaqmayo xadiis uu
nabigu S.C.W. yidhi (من أتاكم وأمركم جميع على رجل
واحد يريد ان يشق عصاكم أو يفرق جماعتكم
فاقتلوه ) oo macnihiisu yahay ninka idiin yimaadda idinkoo arinkiinu
ku midaysanyahay nin qudha (madaxweyne) oo doonaya inuu ushiina jeexo ama uu
kooxnimadiina kala kaxeeyo dila,
Wadaadka la dilay wa muwaadin sucudi ah, iran wax ka galay ayaan jirinba oon
ahayn inay isku shiico yihiin taa halka inoo dhig,
Safaaradii sucuudigu ku lahaa Iran ayaa waxa weeraray kooxo cadhaysan oo
qiiro madhab hayso, wasiirka arimaha dibadda sucuudiga aya wuxu yidhi “dalab
ayaan u dirsanay wasaarada arimaha daakhiliga ah  ee iran oo aanu ka
codsannay in ay noo badbaadiyaan safaarada lkn dhag lonooma dhigin, sadex
jeer ayaanu dalabka u dirnay ” dibloomayisintii sucudiga ee iran way
badbaadeen dhamaantood sacuudiga ayanay ka so dageen, markaa ka dib ayay
boqortooyadu iclaamisay inay xidhiidhka u jartey Iran
Halkaa waxaad ka dheehan kartaa in aanay sacuudigu qalad habayaraatee ka
galin iran balse ay iran qalad weyn gashay oo ah in ay ilaalin weyday
safaaradii sucudigu ku lahaa iran
Waxa kaliya ee iran ka cadhaysiiyey ayaa ah wadaad shiiciya aya la dilay
Waxa ka xanaaqay falka ay iran samaysay wadamadii suniga ahaa sida Sudan
Bahrain Djibouti Qatar Somalia iyo qaar kale
Arintan ayaa waxa lagu gorfeyn doonaa shirka jaamacadda carabta oo axada soo
socota dhici doona
Somaliland ayaa waxa iska caadi ah in aan dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah ee
muslimiinta caalamka kale laga dareemin
Ugu danbayntii waxa lagu hirdamayaa waa laba mad-hab oo kala ah Shiici iyo
Sunni
Waxa la isku hayaa ma aha dhaqaale hub ama xuduud ee waa diin mana haboona
in la yidhaahdo soomaalida maxaa ka galay, soomaalidu %100 waa Muslimiin,
Sunniyiin, Shaaficiyo waana qasab qof waliba xagii mad-habkiisa ah inuu
raaco
والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Comments are closed