Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka hadlay wada hadalkii Somaliland iyo Somaliya,waxaanu khubad sannadeedkii dastuuriga ahayd ku soo qaatay sida Somaliland u ahayd dal Madax banaan.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa hadalkan ka sheegay khubad sannadeedkii uu u jeediyay Labada aqal baarlamaan ee Somaliland.
“Waxaannu dardargelinaynaa ambaqaadka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Si looga gun gaadho wada hadalada labada dal u dhexeeya, waxaan ku baaqayaa in gogosha la balaadhiyo, dalal laysla gartayna ay goob joog ka noqdaan. Dhinaca kale, waxaannu soo dhaweynaynaa dedaalada Beesha Caalamku ugu jirto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa, isla markaana dawlad adag loogu dhisi lahaa dabayaaqada sannadka 2016-ka. Hasayeeshee, waxaannu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Hargaysa 11.Jan 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo waxa uu ka hadlay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee aaminsan midnimada Somaliwayne ee ku shiray magaalada Muqdisho.
“Jamhuuriyadda Somaliland ma meteli karaan shaqsiyaad danaystayaal ah oo Muqdisho laga cugtay. Waa maag iyo meel ka dhac qaawan in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas’uul ah madax ku timi doorasho xor iyo xalaal ah (Xukuumad iyo Baarlamaan).
Waxaannu la soconaa in Madaxda Dawladda Soomaaliya ay gacanta kula jiraan arrimo ka dhan ah nabadda iyo wada jirka Qarankan. Waxaannu ognahay in ay soo abaabuleen kooxo ay ugu talo-galeen inay khal-khal geliyaan nabadda iyo deganaanshaha Somaliland, isla markaana carqaladeeyaan Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka” Axmed Siilaanyo.
Madaxwayne Siilaanyo isagoo khubadiisa sii wata waxa uu si adeg u canaantay farogalinta xukuumadda Muqdisho ku hayso Somaliland
“Haddaba, Xaafadi waxay xaafad kale ugu wareegtaa waa xasarad. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Dalka Soomaaliya inay xil iska saaraan xal u helida dhibaatooyinka hadheeyey dhulkooda. Waxaan leeyahay u dulqaadan mayno farogelinta aad ku haysaan ciidayada iyo calankayaga. Cidina kuma xad gudbi karto xaqa aayo-ka tashiga dadkayga iyo xurmada madax bannaanida dalkayga. Xuquuqda aasaasiga ah iyo Xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan, diyaarna waxaannu u nahay in aannu dhiig u daadino dhulkayaga hooyo” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa uu caddeeyay sida uu u arko wada hadalka Somaliland iyo Somalia iyo damaca Somalia ku jira ee dhinaca wada hadalka
“Caqli xumo, colaad sokeeye iyo cadaalad daro, waa wixii Soomaali kala irdheeyey, ee aramida iyo utunta dhex dhigay. Waxaan ahay Oday Soomaaliyeed oo waayo-arag ah. Sidaa darteed, waxaan u arkaa in maslaxadda iyo danta Ummad Weynta Somaliyeed ee ku dhaqan geeska Africa, ay ku jirto in ay ku wada noolaato nabad iyo niyad sami. Hore ayaa loo yidhi “Belo daaman la qabto ayey leedahay ee dabo la qabto maleh’’. Haddaba, waxaan ka digayaa in dib loo huriyo colaadihii laga soo doogay, dadkana dhibaato la dhex-dhigo.”ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inuu dalkii Somalia xasuusinayo qodobadii Lixdankii lagu midoobay iyo sida ay Somaliland ahayd.
“Mar labaad waxaannu xasuusinaynaa Dalkii aannu ka go’nay ee Soomaaliya, Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta, Urrurka islaamka iyo dhamaan Dalalka ku Midoobay Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-
1) Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 june, 1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1-dii july dalkii Soomaaliya oo talyaanigu gumaysan jiray.
2) Shacbiga Somaliland waxay si cad u diideen June, 1961-kii, aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan meesha ka baxday.
3) Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaas oo ujeedadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.
4) Somaliland rubuc qarnigii u danbeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba.
Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map)-ka ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.
5) Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco go’aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.
6) Shacbiga Somaliland waxay May, 2001-kii kalsooni cod buuxa 97% ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuriyadda Somaliland iyo Qadiyada Gooni-isu-taaga dalka.
Arimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay. Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland” ayuu ku soo gabagabeeyay Axmed Siilaanyo.