|

Hay’adda WFP oo iibsanaysa dalagyada beeralayda Soomaaliya iyo heshiis Wasaarada Beeraha Somaliland u dhexeeya hay’addan

Nairobi 10.Jan 2016 (SDN/QJ):– Hay’adda Cuntada Aduunka (WFP) ayaa shaaca ka qaaday inay iibsan doonaan dalagyada beeralayda Soomaaliya beertaan, xilli ay beeniyeen eedo loogu jeediyey inay raashinkooda mucaawinada ku soo beegan xilliga beerahu soo go’aan.

Hadalka hay’adan ayaa ka dambeeyen ka mid markii dhowaan wasiir-xigeen Beeraha Soomaaliya ku eedeeyey inay raashinkooda mucaawinada ku soo began marka beeralaydu soo gooyaan dalagyadooda, taasina niyadjab ku keento inay wax dambe beertaan.

Laakiin, hay’adda WFP ayaa beenisay eedahaa, isla markaana ku dooday inay maalgeliyaan si beeralayda Soomaalidu waxsoo-saarkooda u kobco.

“Kobcinta nolosha beeralayda waa hadafka WFP, waxaan u fidinaa tababaro, iyo kaalmooyin ay ku kordhiyaan wax-soo-saarkooda, kana caawinaa sidii badeecadahoodu suuqyada caalamka u gaadhi lahaayeen.” Ayaa lagu sheegay qoraal WFP soo saartay.

Qoraal hay’ada cuntada ayaa lagu sheegay inay xilliyo kala duwan ka iibsadeen beeralayda dalagyada ay beertaan, xilligana diyaar u yihiin inay ka iibsadaan galay xadigeedu gaadhayo 1000 Metric ton, iskaashatooyinka beeralayda Afgooye iyo Awdheegle.”

Dalagyada beeraha ayaa lagu sheegay inay yihiin tiirarka dhaqaale ugu muhiimsan Soomaaliya, isla markaana boqolkiiba 65% dhaqaalahu ka soo baxo, kana shaqeeyaan boqolkiiba 65% dadka shaqeeya.

Dhinaca kale, hay’adda WFP oo ka shaqeysa deegaamada jamhuuriyada Somaliland ayaanay qorshahooda iibsiga dalagyada beeralayda ku sheegin qoraalkooda inay ku jiraan beeralayda Somaliland.

Wargeyska Himilo oo xidhiidh la sameeyey madaxda wasaarada Beeraha jamhuuriyada Somaliland ayaa Agaasimaha Guud Mr. Cabdillahi Ismaaciil Faarax sheegay inuu jiro heshiis u dhexeeya wasaaradooda iyo hay’adda WFP oo dhigaya inaanay wax raashin mucaawinooyin ah keenin xilliyada dalagyada beerahu u soo go’aan beeralayda, heshiiskaasina dhaqan galay, waxaanu yidhi,

 

“Heshiis ayaa u dhexeeya hay’adda WFP iyo wasaarada Beeraha oo dhigaya inaanay raashin mucaawino keeni karin dalka xilliyada dalagyada beeralaydu soo go’aan, heshiiskaasina waa dhaqan gal, laakiin, immika dalka abaaro ayaa ka jira, oo sannadkan iyo kii hore midna wax dalagyo ah oo beeralayda u soo go’ay ma jirto.”

 

Mar la weydiiyey, maadama abaaro jiraan, inay kala hadleen hay’adda mucaawinooyin ay soo gaadhsiiyaan dalka ayaa sheegay, “Waanu kala hadalnay, laakiin, waxay hay’addu muddo sugaysay in raashimadii mucaawinooyinku soo gaadhaan, xilligan waxa la sheegayaa in markab raashin ah dekeda Berbera u yimi WFP, inkastoo weli xaqiiqadiisa aanu hayn, laakiin, maalmaha soo socda ayaan xogtiisa oo dhamaystiran heli doonaa.”

Comments are closed