|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo kormeer iyo Xadhig ka jarid ka fuliyey Taliska Guud iyo Miiska Saraakiisha SAWIRO

Hargaysa 09.Jan 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo  Kormeer guud ku tegay Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Xadhigana ka jaray Mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyey Miiska Saraakiisha.

 

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ka dibna waxa uu kormeer guud ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida.

 

Intaa ka dibna waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay Miiska Saraakiisha oo laga hirgeliyey Wadooyin, Dhismayaal, Garoon kubadeed iyo mashaariico kale oo badan, ugu horayna waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray waddo laami ah oo dhan 700 Miter  kuna wareegaysa miiska saraakiisha gudihiisa, iyo Dugsi lagu baran doono Luuqadaha (Languages) loona dhisay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Saraakiisha, madaxweynaha oo sii watay furista mashaariicaha kala duwan ayaa xadhiga ka jaray guryo cusub oo loo dhisay Hurimaha ciidanka gaar ahaan kuwa Baanboyda tuma, kuwaas oo ay seexan doonaan ama hoy u noqondoonna.

 

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray garoon casriya oo loo dhisay in saraakiisha iyo ciidamadu ku ciyaaraan ugu yaraan afar ciyaaroood oo kala duwan wakhtiga nasashada si looga ilaaliyo saraakiisha inay isticmaalaan balwadaha kala duwan ee uu qaadku ka midka yahay.

 

Furitaanka iyo kormeerkaa ka dib waxa Madaxweynaha warbiximo ka siiyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale iyo Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali “Cadami” oo ku dheeraaday dedaalka iyo horumarka ciidanka qaranka Somaliland ku talaabsaday mudooyinkii u danbeeyey.

 

Madaxweynha oo ugu danbayn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Farxad weyn bay ii tahay in aan maanta halkan Miiska saraakiisha imaado oon furo mashaariicahaa kala duwan ee qiimaha iyo qaayaha weyn leh, saraakiishu waa waxa aanu ku faanayno ee Ciidanka iyo Qarankuba ku faano, waana waxa dalka iyo dadkayagaba daafaca, waa wax aanu annaguna aad iyo aad ugu faano oo qiimo weyn iyo qaayaba inoo leh, farxad weyn ayey nootahay in aanu ka soo qaybgalno xafladan, insha Allaa waxa aan rajaynayaa in aynu halkaa hore uga sii marno oo  hore uga sii talaabsano, ciidankeenuna in halkaa iyo meel ka sii wanaagsanba uu u sii talaabsado ayaan illaahay ka rajaynaynaa”.

DSC_0001 DSC_0002 DSC_0003 DSC_0004 DSC_0005 DSC_0016 DSC_0018 DSC_0035 DSC_0037 DSC_0040 DSC_0041 DSC_0045 DSC_0055 DSC_0082 DSC_0084 DSC_0094 DSC_0100 DSC_0101 DSC_0104 DSC_0110 DSC_0115 DSC_0125 DSC_0128 DSC_0129 DSC_0135 DSC_0144 DSC_0151 DSC_0162 DSC_0168 DSC_0176 DSC_0178 DSC_0185 DSC_0189 DSC_0192 DSC_0196 DSC_0198 DSC_0200 DSC_0212 DSC_0215 DSC_0219

Comments are closed