Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Oo Xabsiga Magaalada Hargeysa Ku Jira Todobaadkii Afraad iyo Gabayo Laga Tiriyay Xadhigiisa {DHAGEYSO}
Hargeysa,8Jan,2016(QJ/SDN)-Muddo hadda laga joogo Afar Todobaad waxa xabsiga magaalada Hargeysa loo taxaabay Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo ka mid ah abwaanniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Hargeysa, iyadoona xadhigiisa lagu sababeeyay Gabay uu ka tiriyay Weerarkii magaalada Paris ay ku qaaday DAACISH.
Abwaan Cabdwaaxid ayaan illaa hadda wax maxkamad ah aan la horkeenin iyadoona hay’adaha xuquuqul Insaanka Somaliland aanay ka hadlin xadhiga abwaanka. Balse taas badalkeeda waxa isasoo taraysay dhawaaqyo ka imaanayay murti-maallada Somaliland kuwaas oo tiraba laba Gabay ka tiriyay Xadhiga Abwaanka,
Haddaba, Halkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa Laba Gabay oo laga tiriyay Xadhiga Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid iyo dhacdadii Paris;
Gabayga Koowaad: ‘DAAFAC’, Waxa tiriyay Abwaan Xamse Idiris Faarax
Halkan Guji Si Aad U Dhagaysato Gabayga Daafac
Gabayga Labaad; ‘DIGA-ROGOSHO’, Waxa tiriyay Abwaan Xariir Cismaan Guray
Halkan Guji Si Aad U Dhagaysato Gabayga Diga-Rogosho
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland