|

Shirkadda Twitter Oo Maxkamad La Fuushay Dowladda Turkiga Ka Dib Ganaax La Saaray

twitter-turkeyAnkara,8Jan,2016(QJ/SDN)-Shirkada Internetka ee Twitter ayaa Maxkamada Turkiga la fuushay dowlada Turkiga kadib markii xukuumadaasi ay ganaax dul dhigtay Warbaahinta Twitterka in bogooda ay ka saaraan qoraallo la xadhiidha Jabhada Kurdida ee PKK.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in marar badan ay digniin u dirtay shirkada Twitterka in bogooda ay ka saaraan waxa ay ugu yeedhaan “Barobogaandada Argagaxisada PKK”, balse Twitter ayaa diiday inay xidho baraha ay leeyihiin taageerayaasha Jabhada Kurdida ee PKK.

Xukuumada Turkiga ayaa lacag gaadheysa 50.000 dollar ku ganaaxday shirkada Twitter, hase yeeshee shirkada Twitter ayaa maxkamad la fuushay xukuumada Turkiga oo ay ku eedaysay in ganaaxan ay soo saartay uu ka horimaanayo Dastuurka Turkiga u yaal.

Dhawaan ayey dowlada Turkiga dhaqan gelisay sharci cusub oo la xadhiidha Internetka, waxayna horay marar badan xanibtay in shacabka adeegsan karaan Twitterka oo kamid ah goobaha fariimaha la isku dhaafsado oo marar badan lagu soo bandhigay hadalo iyo fariimo lidi ku ah xukuumada Turkiga iyo Waliba Madaxweyne Tayyib Erdogan.

Qurbejoog.Com

Hargeysa,Somaliland

Comments are closed