|

Hay’ada HRW oo sheegtay in 140-ruux lagu dilay Mudaaharaadyadii ka dhacay Wadanka Itoobiya

Addi-ababa,8Jan,2016(QJ/SDN)-Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rigths Watch ayaa sheegtay in ciidamada amniga Itoobiya ay dileen ugu yaraan 140-qof oo Qowmiyadda Oromada ee Itoobiya intii ay socdeen dibadbaxyo ka dhan ahaa qorshayaasha Addis Ababa lagu ballaarinayo.

Jimcaha maanta ah ayay HRW waxay warbixin ay soo saartay ku sheegtay in la dhaawacay tiro intaa ka badan, iyadoo rabshadahaan la sheegay inay noqonayaan kuwii ugu ballaarnaa ee waddanka Itoobiya ka dhaca tan iyo sannadkii 2005-tii, markaasoo uu muran ka dhashay doorashooyinkii Itoobiya.

Warbixinta hay’addu ay soo saartay ee ku aaddan dadkii ku dhimashada dibad-baxyadii ka dhacay Itoobiya ay laba jeer ka badan yihiin tiradii lasoo bandhigay bishii lasoo dhaafay ee December. Inkastoo xukuumadda Itoobiya ay sheegtay in tan iyo markii ay Rabshadahaani ka billowdeen bishii November ee sannadkii hore 2015-ka ay dhinteen shan qof oo keliya.

Afhayeenka hay’adda HRW, Felix Horne ayaa Jimcaha maanta ah sheegay inay ciidamada amniga Itoobiya hadadaad ku hayaan dibadbaxayaasha iyo dad kasoo horjeeda siyaasadda Itoobiya, ayna ku dhaqmaan “Gacan Bir ah” isagoo xusay in la xiray hab walba oo ay fikir-kooda ugu muujin lahaayeen rabshad la’aan.

Dibad-baxayaasha Oromada ayaa waxay diiddan yihiin qorshe ay dowladda dalka Itoobiya ku doonayso in dhul-beereed ku dhow magaalada Addis Ababa lagu daro caasimadda, si ay uga dhigto goob ganacsi. Waxayna dibadbaxayaashu sheegeen inuu qorshaha xukuumadda dhibaatooyin ku tahay beeraleyda deggen deegaankaas.

Balse, Xukuumadda Itoobiya ayaa Qorshaheeda ay ku ballaarinayso Caasimadda ay tahay mid qayb ka ah horumarka socda, lagana dhisayo goobo lagu ganacsado oo faa’iido ay ugu jirto shacabka oo dhan.

Sidoo kale, kooxaha mucaaradka ah ee Itoobiya ayaa sheegay in dibadbaxayada ay intooda badan ka qayb-galayeen ardayda iyo beeraleyda u dhashay gobolka Oromiya, kuwaasoo ay xukuumadda Addis Ababa ku tilmaantay inay yihiin kooxo hubeysan oo doonaya in dalka ay rabshado ka abuuraan.

Ugu dambeyn, Qowmiyadda Oromada ayaa ah tan ugu ballaaran shacabka dalka Itoobiya ku nool, iyadoo lagu qiyaaso inay tiradoodu tahay 40% shacabka guud ee dalka Itoobiya.

Comments are closed