Oddoroska Siyaasadda 2016 ee xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh
Shan iyo labaatan sanno kadib,tobankii Sibteembar 2012kii, ayaa ay ahayd markii xilka madaxweynenimo loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud,madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya. Xasan arrinka ugu weyn ee markaa horyaalay ayaa ahaa,in uu soo doorto ra’iisul wasaare si uu usoo xusho gola wasiirro oo dhaqaajiya howlaha shaqo ee ay dadka Soomaaliyeed ka dhowrayaan Xasan iyo xukuumaddiisa cusub.
Maalmo kaddib waxa uu Xasan sheegay,in uu ra’iisul wasaare usoo doortay Saacid Shirdoon;oo ahaa ra’iisul wasarihii koobaad ee xuumadda madaxweyne Xasan. La dhaliil lana dhaleecee xukumaddii Mr. Saacid;muddo ka dibna waxaa hilfaha loo laabay Saacid oo noqday ra’iisul wasaarihii koobaad ee xilka laga tuuray;Soomaalidu si weyn ayaa ay u garanayaan macnaha erayga mooshin kumana cusbeyn layaabna ma ahayn in Saacid mooshin laga keenay, kaddibna uu xilkiisii ku waayay.
Xasan oo beryo baaranayay kana baaraan-dagayay cidda xigta, ayaa waxa uu booskii Saacid ka baxay ku soo beddelay C/weli sheekh Axmed, oo ay dadku ku xasuustaan mooshinkii bisha socday baarlamaankana ku adkaatay in ay ka turxaan bixiyaan. Mr. C/weli waxa uu noqonayaa ra’iisul wasaarihii labaad ee xukuumadda madaxweyne Xasan ee xilka laga xayuubiyey.
Naawilaad sitimaan qaadatay kaddib,waxa uu madaxweynuhu shaaciyay in uu ra’iisul wasaare noqonayo Cumar C/rashiid,mudanaha hadda xilka haya oo ay dadka Soomaaliyeed magac ahaan iyo muuq ahaanba aad u garanayaan.
Caawa hillaaddu waa 1-dii-janaayo-2016,xukuumadda madaxweyne Xasan sheekh na waa ay saddex jirsatay,wakhtiga u harayna waxa ay dadku isla garanayaan in uu yahay sagaal bilood oo qura;haddaba su’aasha is wayddiinta mudan ayaa ah ‘’maxaa u qabsoomay xukuumadda mr. Xasan?maka dhabeeyay se lixdii tiir ee uu gundhigga uga dhigay afarta sanno iyo siyaasaddiisa Soomaaliya?’’.
Waxyaabaha u qabsoomay waxaa kamida:
– Jannaayo,10 2015: Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka soomaaliya,Mudane Xasan ayaa guul ku tilmaamay qabsoomidda shirka golaha wasiirada arimaha dibadda ee waddamada ururka IGAAD oo ka dhacay caasimadda muqdihso.
‘’shirkan waxa uu ahaa imtixaan ay dunidu ku eegayso kartideenna,wax qabadkeenna iyo inaan dib usoo ceshan karno kalsoonidii beesha caalamka nagu qabtay,illaaheyna waa nagu guuleeyay imtixaankiina waan ku najaxnay’’
– Jannaayo,20 2015: Madaxweyne Xasan sheekh ayaa saxiixay sharciga dhowrista xuquuqda caruurta.
– Ogtoobar 22,2015: Madaxweyne Xasan sheekh ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’antahay in la horumariyo adeegyada jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo dhawaan dib u howlgashay dagaalladdii sokeeye kadib.
Lixda tiir ayaa ahaa lixdan tiir.
1- Xasilinta dalka,sarraysiinta sharciga iyo dowlad wanaagga.
2- Soo nooleynta adeegyada bulshada.
3- Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.
4- Soo nooleynta dhaqaalaha dalka.
5- Midnimada iyo wada jirka umadda.
6- Abuuridda xiriir caalami ah.
Haddaba aan wada falanqeynno tiirka koobaad oo kaliya,ka dib na aan oddorasno waxa uu ku qaban karo muddada kooban ee u hartay.
Tiirka ugu horreeya waa Xasilinta dalka,sarraysiinta sharciga iyo dowlad wanaagga,xasilinta dalka waa tiirka ugu weyn ee jiritaanka dowladnimo, la’aantiina dal ma hagaago mana horumaro xasilinta dalka waxaa qayb weyn ka ah dhisidda amniga, garsoorka, iyo dowlad wanaagga.
Si loo helo amni waxaa lagama maarmaan ah in la helo ciidan qaran oo dhican kastaa ka dhisan,hanan karana howlaha shaqo ee difaaca ciidda iyo calanka.
Garsoorku waa sheyga kala xadeeya bulshada kala hagana hoggaamiyayaasha iyo la hoggaamiya-yaalka,culimada cilmiga hoggaaminta casiriganna waxa ay isku waa faqsanyihiin aragtida ah ‘’Modaren society doesn’t live with out law’’ .
Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in uu M. Xasan ku fashilmay qodobkan iyaga oo u cuskaday,is qab-qabsigii muddada ragaadiyay howlaha shaqo ee xukuumadda ee u dhexeeyay isaga iyo Mr. Saacid oo markii dambe baarlaanku xilka ka xayuubiyeen sannadkii 2013 kii.
Geesta kale waxa dhacay falal amni kuwii ugu xumaa, waxa ay dadku wada xasuustaan weerarkii duhurka cad lagu soo qaaday madaxtooyada Soomaaliya iyo kuwii kale ee ka dhacay xarunta baarlamaanka iyo weerarro kale oo qorsheysan oo ka dhacay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Tan labaad: Iyad oo dalka uu kasoo kabanayo dhinacyo badan sida dhaqaalaha horumar aan sidaa usii weynayna uu dadka u hillaacayo ,ayaa waxaa markale khilaaf soo kaladhex galay Mr. C/weli iyo M. Xasan, kaasoo dadku ay ku sheegaan in uu ka dhashay isku shaandheyntii golaha wasiirrada ee xukuumaddii ra’iisulwasaare C/weli. Kaddib markii uu Faarax C/qaadir u magacaabay wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa,madaxweyne Xasan waxa uu ku adkaystay in aanay wada shaqeyn karin isaga iyo ra’iisul wasaare C/wali fududahayna in uu isagu booska banneeyo. Baarlamaanka oo ah isha dowlad xumida Soomaaliya ayaa mar labaad xilka ka xayuubiyay ra’iisul wasaarihii labaad ee xukuumadda M. Xasan.
Madaxweyne Xasan oo xilli doorasheedkii 2012 dii sheegay,in aanay immaan doonin is qabsi isaga iyo ra’iisul wasaare sidii looga bartay dowladihii ku meel gaarka ahaa ayaa markan soo doortay ra’iisul wasaarihii seddexaad muddo laba sanno iyo sitimanno uu xafiiska joogay!
Cumar C/rashiid ayaa ay ishaarta u qabatay madaxweyne Xasan in uu usoo doorto ra’iisul wasaare. Xukuumadda Mr. Cumar waxa ay dhaliilo iyo mucaarado kala kulmaysaa baarlamaanka maxaa yeelay waxaa meesha kusii siqaya saxaadda wasiirnnimana kasoo muuqday xubno baarlamaanka kamid ah oo qeyb ka ahaa mooshinnadii labadii ra’iisul wasaare oo hore.
Ka hor inta aan loo magacaabin xilka madaxweyne Xasan dadka Soomaaliyeed aqoonsi dheer uma aanay qabin,soo bixiddiisa dad badan oo ku rajo beelay siyaasi dana badan ayaa ay yiddidiilo galisay;balse waxa ay dadku rajo beel ka muujiyeen is qabsiyada tira beelka ah ka sokoow,kaddib markii uu haadaan dheer ka tuuray qorshihii hiigsiga 2016,baarlamaankuna uu shaaciyay in aanay dalka doorasho qof iyo cod ah ka dhici kareyn madaxweynuhuna si laab la kac ah uu ugu raacay.
Sidoo kale,waxa jiray mooshin ka duwanaa mooshinnadii madxaweynaha iyo ra’iisul wasaare yaashiisa dhex mari jiray,waxa uu ahaa mooshin 93-xildhibaan ay ka gudbiyeen M. Xasan oo geestiisa sababay is qabsi kale oo hor leh kaa soo ragaadiyay guud ahaan siyaasaddii dalka.
Kol ay saa tahay waxa jira dad Soomaaliyeed oo qaba in uu madaxweyne Xasan xukuumaddiisu ku tallaabsatay horumar la taaban karo dhanka amniga iyo dhaqaalaha. Halka kuwa kalana ay qabaan in uu abuuray xaalad dagaal, khal-khal siyaasadeed,dagganaansho la’aan dhaqaale;qeyba kamida dalka waxaa ka dhacay dagaallo sokeeyo sida:Shabeellooyinka,Gaalkacyo iyo jubbada hoose.
Waxaa la rumeysan yahay in aanay jirin xaalad amni oo la isku halleyn karo,dalku waxa uu ku jiraa xaalad dhaqaale halkii ugu liidatay,garsoorku waxaa la is oran karayaa waa nabarka ugu weyn ee ay siyaasaddu ka seexan la’dahay.
Qodobka koobaad ee tiirarka siyaasadda M.Xasan waa tiirka ugu muhiimsan haddii uu hagaagana ay hoos imaanayaan dhammaan shanta tiir ee kale.
Amni la’aan lama soo nooleyn karayo adeegyada bulshada oo uu ugu horreeyo caafimaadku;amni la’aan nabadeyn iyo dib u heshiisiin lama samayn karo,amni la’aan dhaqaalaha waddan ma hagaagayo lamana soo nooleyn karo,garsoor la’aan midnimo iyo wada jir ummadeed la heli maayo,dowlad wanaag la’aanna lama abuuri karo xiriir caalami ah.
Gunaanad
Guntii iyo gunaanadkii,iyada oo uu xaal sidaa yahay waxaa la saadaalin kara in madaxweyne Xasan aanuu wax sidaas u sii buuran tahli karin in uu qabto.Aniga oo u cuskanaya ‘’ biyaha aan hortooda arko ,dabadooduna waa huubo’’.Ma aha deel-qaaf iyo dulmi aan kula kacay xukuumadda iyo shakhsiyadda madaxweynaha, balse adiga ayaa aan kuu dhiibee mudane akhriste waxa muddadii intaas le’ekayd la gu qaban kari waayey ma is lee dahay waa lagu qaban karaa sagaalka bilood ee hadhay? Waan hubaa in aad i gu raacaysid aan ka ahayn u diyaar garowga iyo u han-qal taagga doorashada foodda innagu soo haysa.Taasina waxa ay keenaysaa in madaxweynuhu sifihii lagu yaqaanney siyaasiyiinteenna uu baalo gelayo sidii uu ugu kici lahaa qodobbo uu ujeedkiisa ku fushanayo ,bulshada raja ku noolka ahna loo tuso in si loo sii amba-qaado arrimo qabyo ahaa .Si loo sii dhammaystiro mar labaad in loo codeeyo.Taasna waxa ka jawaabi doonta maalinta doorashada innagu soo foolka leh.Waxa iyana meesha aan ka maqnayn aan la dafiri karin xulafo samaysashada madaxweynaha ee ku aaddan maamul goboleedyada iyo ilkasta oo taageero siyaasadeed laga heli karo.
W/Q: Warsame Cumar Xuseen ‘’ Shiidley’’
Iimayl: Shiidleey12@gmail.com
Taariikhda: 4/1/2016
Face-buugga: https://www.facebook.com/warsame.omar.7?fref=ts
Ardaaga Face-buugga: https://www.facebook.com/Warsame-Cumar-Xuseen-Shiidley-762862460489920/?fref=ts