‘’Cali Khaliif Galaydhoow Waxba Haka Dul Ooyin Xassan Sheekh Maxamuud Oo Tuulo Qudha Oo Dalkiisa Ah Aan Gacanta Ku Hayn,.’’ Faysal Cali Waraabe
Hargeysa,8Jan,2016(QJ/SDN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Eng.FaysalCali Waraabe ayaa ka jawaabay hadal dhawaan kasoo yeedhay Prof.Cali Khaliif Galaydh, kaas oo uu Cali ku sheegay in aan Faysal Cali Waraabe gobolka Sool laga soo dhaweyn.
Guddoomiye Waraabe, oo warbaahinta shalay kula hadlay magaalada Hargeysa waxa uu yidhi; ‘’Saaxiibkay Cali Khaliif waxaan leeyahay Prof saaxiib Maxamed oo ciidamada Afrika u xoog weyn haystaaba Somaliland iyo shacbigaba waxba wuu yeeli kari waayay, waxba haka dul ooyin Xassan Sheekh Maxamuud oo tuulo qudha oo dalkiisa ah aan gacanta ku hayn, baroorta aad ka barooranaysay iyo kakacaay aad Nairoobiyo Muqdishana Somaliland waxba ma yeeli karaan, adeer nin wayn baad tahay rag waawayn baynu nahay waanu wada hadalnay, waxaan ku idhi; waar inta innoo hadhsan cimrigeenna waa inay dadkeena mideynaa horumarkooda caruurtooda ka shaqaynaa,.’’
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuu sii hadlay waxaana uu Cali Khaliif Galaydh u hogo-tusaaleeyay horumarka ka jira gobollada Galbeedka iyo dib u dhaca deegaanadiisa ka jira ‘’Maanta Saax-dheer iyo Dila isku mid maaha, illaa jaamacadaa ka jira Iskuulaa ka furan nabad weeyaan, Saax-dheerna maanta mar waxa ka keeyahay waa Shabaab, mar beelihii isku xigay bay is dilayaan, reerkii aad ka dhalatay oo talada hayn jiray ee nabadda jeclaa ee Ba’harsame la odhan jiray maanta meel kasta colaad baa kaga socota adaana galiyay,..’; ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe
‘’Waxaan leeyahay saaxiibkay Cali Khaliifna Dalkaaga kaalay, Muqdisho umaad dhalan, halkan Sheekh baad ka baxday, Naaskii dadkaad jaqday, Ummad mideysan baynu nahay, oo illaahay baa kursi bixiya, kan baanu ku siin doonnaa haddaad Kursi u waalatee, kaalay anakaa halkan kaa sharraxi doonaa insha allaahu tacaalaa, ..’’ ayuu markale yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.
Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa kale oo uu si toos ah uga jawaabay hadalka kasoo yeedhay Cali Khaliif Gallaydh, isagoona Gallaydh sheegay in Faysal yidi Yey baan u tagay oo si fiican layma soo dhaweyn, balse Faysal ayaa hadalkaasi kaga jawaabay; ‘’Beenta ka daa anigu ma odhan Yey baan u tagay Gob baan ku tagay baan ku idhi, halkaan Yey ku idhi?, nin weyn oo been sheegay ma fiicna, markaa waxaan ku leeyahay dadka ha caayin xumaan lagama shaqeeyo gogoshu waa kuu furantahay anagu diyaar baanu kuu nahay ee dalkaaga kaalay walaalo halkan baa lagaa jecelyee,..
Ugu danbeyntii, Waxa uu sidoo kale Faysal sheegay inay jirto cabasho ay qabaan bulshada Sanaag bari iyo gobolka Sool, dhulkaasi oo laga dareemayo horumar la’aan, sidoo kalena bulshadu saluugsan tahay sida loo qaybsaday awoodda iyo khayraadka Somaliland oo dadkaasi aanay waxba ka helin
Khaalidfoodhaadhi@gmail.Com
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland