|

‘’Somaliland Uma Ogolaanayno Inay Doorashooyinkeedu Ka Dhacaan Sool, Sanaag iyo Cayn,.’’ Cali Khaliif Galaydh

Muqdisho,7Jan,2016(QJ/SDN)-Hoggaamiyaha Khaatumo Prof Cali Khaliif Gallaydh ayaa ka hadlay diiwaan-gelinta Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, isagoona sheegay in aanay deegaanadaas diiwaan-gelin iyo doorasho toona ka dhici doonin.

Prof. Cali Khaliif Gallayd ayaa sheegay in aanay Somaliland u ogolaanayn in ay doorashadoodu ka dhacdo dhulka Khaatumo isagoona Cali Khaliif Gallaydh Somaliland uga digay dhiig danbe oo deegaanadaasi ku daata, ‘’Waar hooy doorashooyin Somaliland leedahay oo Khaatumo iyo Maakhir ka dhacayaa ma jirayaan, waa riyo, doorashooyin iyo waxan ay sheegayaan awalba kama dhici jirin haddana dhulkooda iyo dadkooda haku eekaadeen, waxaanu leenahay waar hooy dhiig danbe oo daata iyo colaad hor leh iyo dab horleh oo la oogo looma baahna, Somaliland madaxdooda armay fiicantahay wakhtigan la joogo ee 2016 in ay arrimahaa ka baxaan, uma ogolaanayno doorashooyin inay ka dhacaan dhulkaa Sool, Sanaag iyo Cayn,.’’ Ayuu yidhi Prof Cali Khaliif Gallaydh

Sidoo kale, Cali Khaliif Gallaydh waxa uu ka hadlay Socdaalkii Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Ku maray qaar ka mid ah gobollada Bariga Somaliland gaar ahaan gobolka Sool, isagoona Sheegay in Faysal Cali Waraabe uu yidhi Yey baa i heshay oo si fiican layma soo dhaweyn  ‘’Waan maqlayay in Faysal Cali Waraabe Laascaanood yimid, waan maqlayay inuu Taleex maray, Ceerigaabana aaday, waan maqlayay meel uu leeyahay laygama soo dhaweyn oo yey baa I heshay waan maqlaayay, waar hooy yeydaas waa layskaga dari doonnaa,..’’ ayuu hadalkiisa ku yidhi Prof Cali Khaliif Gallaydh

Dhanka kale, Hoggaamiyaha Khaatumo Pro Cali Khaliif Galaydh oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Kulan dhexmaray isaga iyo Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo halka uu haatan Qorshaha  Shirka Lagu Midaynayo Khaatumo iyo Maakhir, Wuxuuna sheegay in bulshada Khaatumo iyo Maakhir looga Fadhiyo inay miiska soo saaraan inay arintaasi diyaar u yihiin.

 Cali Khaliif ayaa sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya iyo Wasiirada dawlada Soomaaliya ay sheegeen inay garab istaagi doonaan Khaatumo iyo maakhir oo la balaadhinayo, Wuxuuna sidoo kale Gallaydh ka hadlay wafdiyo ka howl-geli doona Arintaasi.

Si kastaba ha ahaatee, wada-hadalada uu Cali Khaliif Gallaydh sheegay in uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa ay Caqabad ku noqon karaan wada-hadalkii u socday Dowladaha Somaliland iyo Soomaaliya, lamana oga illaa hadda jawaabta ay dowaldda Somaliland ka bixin doonto arrintani.

Qurbejoog.Com

Hargeysa,Somaliland

Comments are closed