Ethopia: Halkee ayaa Loo Weeciyay Saldhigii Droneska Maraykanka Ee laga Weerari jiray Xarakada Al-shabaab ?
Warar haatan soo baxay ayaa sheegayo in Ciiddankii iyo Droneskii Maraykanka laga daad-gureeyey Ethiopia, lana geeyey dalka Kaamiruun.
Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika, ayaa lagu sheegay in Saldhigga ay Maraykanka ka samaysteen dalka Kaamiruun loo adeegsan doono Hawlgalladda ka dhanka ah Kooxaha Boko Haram iyo Alqaacidada ka sugan qeybo ka mid ah dalka Libya iyo Galbeedka Afrika.
Dhinaca kale, Maraykanka waxa uu Kharaj ku bixiyey in Dhismooyin cusub laga hirgeliyo Saldhigii Droneska Maraykanka ku lahaayeen Degmadda Arba Minch oo 450 KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.
Wargeyska Asharqal Awsad ayaa qoray inay Maraykanka dhowr bilood ka hor bixiyeen 7 million oo Dollar, si ay Shirkad Ethiopian ah uga hirgeliso Saldhigga Droneska ee Arba Minch Dhismo iyo Xafiisyo ay adeegsan karaan 130 qof.
Saldhiggaasi ayaa horey loogu adeegsan jirey duqeymaha lala eegto Alshabaabka Somalia iyo Alqaacidada Gacanka Carbeed (AQAB) ee dalka Yemen.
Si kastaba ha ahaatee, Milliteriga Maraykanka ayaa qirsan inay sii kordhayso Baahida Hawlgalladda Droneska ee duqeymaha ka geysta dalalka Iraq, Syria iyo Yeman, waxaana arrintaasi laga dheehan karaa Droneska hadba dalal kale loogu daabulayo.
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland