|

Turkiga Oo Soomaaliya Ka Dhisaya Saldhig Ciidamada Soomaaliya Lagu Tababaro

Muqdisho,7Jan,2016(QJ/SDN)-Dowladda Turkiga ayaa ka bilowday Soomaaliya dhismaha Saldhigga Tababarka Milliteriga, kaasi oo qeyb ka ah Ballanqaadkii Turkiga ee Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka ee Dowladda Federalka Soomaaliya.

Madaxa Waaxda Arrimaha Dibedda Turkiga ee mas’uulka ka ah Arrimaha Soomaaliya, Emel Tekin oo la hadashay Guddiga Difaaca ee Barlamaanka Turkiga ayaa sheegtay inuu Saldhigaasi noqonayo kii ugu horreeyey ee Turkiga ee lagu tababarayo Ciiddanka Soomaaliya.

Waxay intaasi ku dartay inuu Mashruucaasi qeyb ka yahay Heshiiska Jadwalka Shaqo ee Iskaashiga Milliteriga ee Labada Dowladood, waxayna xustay inuu Saldhigaaasi muhiim u yahay Tababarka Milliteri ee gudaha Qaaradda Afrika.

Kolonel Muraat Yaman oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa isagana tilmaamay in Iskaashiga Milliteriga la saxeexdeen Dowladda Soomaaliya sannadkii 2010-kii, isla markaana ay Soomaaliya siinayaan Taageero Milliteri ilaa ay dib ugu dhismayaan Ciiddanka Qaranka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga waxay kaloo Soomaaliya ka dhisayaan Wershadda soo saarta Labiska Ciiddamadda iyo Dugsiga Milliteriga, oo wax lagu bari dooono, laguna tababari doono Saraakiisha iyo Layli Sarkaalka ee qeybaha Ciiddamadda.

Dhanka kale, dowladda Somaliland oo aan caalamku illaa hadda aqoonsanayn ayaanay waxba kasoo gaadhin Kaalmada iyo tababarada Milleteri ee Turkigu siinayo dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Saldhigan tababarka milleteriga ee Turkigu ka dhisayo Soomaaliya ayaa la filayaa in uu door muhiim ah ka qaato tayada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Qurbejoog.Com

Hargeysa,Somaliland

Comments are closed