Musuq-Maasuq Baahsan Oo Dul-hoganaaya Guddida Doorashooyinka Somaliland iyo Telefishanka Universal Oo Fashiliyay Arrintaasi DAAWO
Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa u muuqda kuwo ku fashilmay inay wacyi-gelin rasmi ah oo dhammaystiran ka sameeyaan dalka, taasoo ay dadweynaha reer Somaliland si weyn ugu baahan yihiin in la fahansiiyo intaan la bilaabin diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha qaabka ay u galayaan.
Waxay dadweynuhu ku cawdeen, inaan la fahansiin haba-yaraatee, waxa sharci ah ee looga baahan yahay iyo waxa sharci-darro ah ee aan looga baahnayn ama ay dembi ku mutaysanayaan, si ay habsami ugu galaan diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland; sida ay ku cawdeen Wax-garadka iyo Madax-dhaqameedka gobollada iyo degmooyinka deegaannada diiwaangelinta laga bilaabayo qaarkood.
Iyaga oo ay Cabashooyinka is-daba-joogga ah ee lagaga qaylinayo hab-dhaqanka iyo habacsanaanta Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa iyadoo aan wax wacyigelin ah oo muuqata la samaynin, waxa uu Guddoomiyaha Guddigaas Cabdiqaadir Iimaan Warsame shaaciyey in 16-ka bishan aynu ku jirno laga bilaabi doono diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha gobolka Togdheer, isla markaana ay dadweynuhu aad isu-weydiinayaan sababta keentay inay Guddiga doorashooyinku wacyigelin la’aan bilaabaan diiwaangelinta, sidoo kalena ay garab-mareen qodobbo Sharci oo qeexaya intaan diiwaangelinta la bilaabin in dadweynaha Somaliland si muuqata loo wacyi-geliyo oo loo fahansiiyo waxa ay samaynayaan iyo waxa waajibka ku ah ee laga doonayo.
Hase-yeeshee, waxa uu Barnaamijka la yidhaahdo Faaliyaha Qaranka ee Telefeshinka Universal ka baxaa fashiliyey in Guddiga doorashooyinka Somaliland ku kaceen Musuqmaasuq ay ku lunsadeen Hantidii ama Dhaqaalihii loogu talo-galay in lagu sameeyo Wacyigelinta Bulshada diiwaangelinta ka hor. Waxaana Barnaamijkaas lagu sheegay in ay Guddiga doorashooyinku Dhaqaalihii wacyigelinta ku takrifaleen, isla markaana Lunsadeen oo ay Baabuur gaar ah ku iibsadeen Toddobada Xubnood ee ay Guddiga doorashooyinka Somaliland ka kooban yihiin.
Haddaba, waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Qaar ka tirsan Wax-garadka, Aqoonyahanka, Odayaasha iyo Madax-dhaqameedka deegaanno ka tirsan gobolka Togdheer oo ka cabanaya diiwaan-gelinta bilawgeeda la muddeeyey ee aan bulshadoodu wax macluumaad ah ka haysan iyo qaabka uu uga faallooday ee uu musuqmaasuqa la sheegay inay xubnaha Guddiga doorashooyinku ku lunsadeen Dhaqaalihii wacyigelinta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo sida uu u kashifay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland