|

Baaq Doodeed Ku Socda Qoraa Ibraahin-Hawd Yuusuf

Baaq doodeed ku socda qoraaga Ibraahin-Hawd Yuusuf ayaa waxa bar bulsheedka Facebook ee bulshadu ku wada xidhiidho soo dhigay qoraaga kale ee Maxamed Cabdirisaaq Saciid – Samiik, isaga oo qoraa Ibraahin-Hawd ugu baaqay aragtiyada uu faafinayo inuu dood ka galo oy garnaqsadaan. Wuxuu carrabaabay in la joogo wakhtigii la doodi lahaa oo aragtiyada bulshada loo gudbinayo ee uu (Samiik) ku sheegay aragtiyo gaaleed in ay yihiin si toos ah loo faaqidi lahaa oo raggu is arki lahaa. Waxuu ugu baaqay qoraa Ibraahim aragtiyada uu faafinayo dood rasmi ah inay ka galaan oo bulshada hortooda kuwada doodaan.

Sidan ayaanu qoraalkiisu u dhignaa;

Wanaagga oo la is faro iyo xumaha oo la iska reebo waa summadda ay sharafta iyo darajada badan ku heshay ummaddeennu. Taas haddii ay jiri lahayn ummadihii innaga horreeyay runtii wax ba ma aynaan dheeraan lahayn. Dhab ahaan, darajadaas ka sakow, Ilaahay waxa uu abuuri lahaa bulsho laga dhex helo kuwo samaha jecel oo dhiirrigeliya isla mar ahaantaanna xumaha neceb oo dhaliila, haddii dunida laga waayi lahaa ummad qaaciiddadaa ku shaqaysa. Loollanka xaqqa iyo baadilka waa mid ku dherersan abuurkii bani’aadamkii ugu horreeyay iyo dooddii dhex martay Ibliis iyo Ilaaha weyn. Tan iyo qiyaamaha inta uu dhacayo na loollankaasi waa mid taagan, ha ba kala duwanaadeen noocyadiisa, midabbadiisa iyo ujeeddadiisa e’.

Addoomada wanaagsan ee farriinta samaawiga rumeeyay waa kuwo dastuur, dhaqan iyo calaamado u gaar ah leh. Had iyo jeer, dhaqammadooda wanaagsan ee diineed waxa ka mid ah qofka iyo xaqqa in ay xaqqa jecel yihiin. Si kasta oo ay qof u jecel yihiin ama u neceb yihiin, jacaylkaas iyo nacaybkaas ma aha mid ku ujeeddaysan danahooda iyo yoolkooda qofeed, ee waa mid ku ujeeddaysan had ba shakhsigaas xidhiidhka uu la lee yahay Rabbigii iyo hab dhaqankiisa suubban. Ilaahay na sida addoomadiisa ay u kala wanaagsan yihiin ayaa uu u kala jecel yahay, oo uu u kala darajo sarraysiiyaa. Dhammaan qodobbadaas waxa ay si balballaadhan ugu cad yihiin caqiiddada sugan ee saxeexa ah, ee muslimiinta. Qaaciiddada ah “qofka iyo xaqqa, xaqqa ayaa weyn” waxa ay qofka muslimka ka kaalmaysaa garashada xaqqa, waxa na ay u sheegtaa waajibka ka saaran u hiilinteeda iyo nafhurkeeda. Culimadii waaweynaa ee muslimiinta ee ummadda hawl diineed hufan oo sal diinta ku leh uga tegay, mid kasta oo ka mid ah waxa uu uga tegay dardaaranno ay ka mid ahaayeen: haddii hadalkayga iyo waxyigu iska hor yimaaddaan, qaata waxyiga oo hadalkayga qashinka ku dara. Sarraynta xaqqa ayaa leh, ee aadamigu ma leh.

Si kasta oo aad qof u jeceshahay ama ixtiraam dheeri ah u hayso, kol kasta oo uu diinta gef ka galo waxa waajib kugu ah u hiilinta xaqqa iyo barbar istaageeda. Saaxiibtinnimada islaamku qoddobada ugu weyn ee tiir-dhismaalka u ah waxa ka mid ah: u hiilinta walaalkaaga muslimka ah kolka uu gardarran yahay iyo kolka laga gardarran yahay, faridda samaha iyo ka reebidda xumaha iyo saaxiibtinnimadiisa jiritaankeeda iyo jiritaan la’aanteedu in ay ku xidhan tahay ku dhaqanka diinta islaamka. Ibraahin-Hawd Yuusuf oo aan qaddarin, wanaag iyo jacayl badan u hayo, intaas iyo in ka badan oo si wal ba uga badan ayaa aan xaqqa u hayaa. Walaalkay waxa uu ku qancay afkaaro shisheeye oo dumin ku ah diinta islaamka iyo dhaqanka ummadda muslimiinta. Afkaarahaas qaarkood waa kuwo xukunkoodu gaalnimo yahay, qaarkood na lee yihiin sharraxaad badan oo xukunnada kale ee baabka “Al-Asmaa Wal-Axkaam” ku xidhmaya.

Waxa uu ka mid yahay qalinleyda si mas’uuliyad darro ah u adeegsada qalinka. Ka hadalka umuuraha aadka u waaweyn ee diinta, ee aqoonta iyo fahamka badan u baahan, isaga oo aan baadhis, ukuurgal iyo qiimayn ku lahayn ayaa uu lafaguraa, dabadeed na natiijada fekerkiisa oo garasho yari iyo aqoon darro badan ku qaabaysan ayaa uu dadka hordhigaa, wacdi na uga dhigaa. Sannadkii hore ayaa ay ahayd mar aan lahaa: Ibraahin-Hawd waxa aan uga digayaa faragelinta amuuraha diineed ee aqoonta iyo garashada badan u baahan, iyo ka hadalka wax uu san cilmi u lahayn. Fikirka Calmaaniyadda uu sanadihii dambe ku mashquulsanaa faafinteeda waxa ugu darsamay mad’hab dhanka baadilnimada kaas la wadaaga oo loo yaqaan cidda rumaysan “Qur’aaniyiin”. Waa mad’habka rumayntiisu tahay: diinta oo qudha qur’aanka in ay tahay oo sunnadu tahay wax aan jirin oo niman ay mala’awaal ahaan hindiseen! Fikirka noocaas ah ee xukunkiisu gaalnimo bannaanka taalo tahay, ayaa uu qoraageennu maalin dhawayd qoray kuna dooday! Sida dooddiisa laga fahmayay na waxa uu ahaa nin ku qancay oo aad u rumaysan, isla markaanna jooga heerkii uu aragtidaas gudbin lahaa oo uu ummadda sheekh ugu noqon lahaa.

Hadda ba, Saddex mas’alo aan caddeeyo. Ta hore waa in fikirkaas “gaalnimo” labo Cali ku wada hadlayn tahay. Ta labaad waa in ay kala duwan tahay xukunka “mas’alo” la xukumo iyo xukunka “shakhsi” lagu xambaaro. Ta saddexaad na, waa in uu fikirkan muslimiinta ku cusbayn oo dood adag ka galeen ilaa ay raggeedii wax badanna soo hanuuneen wixii kale na dabayshu qaadatay, bal se Ibraahin haddii uu rabo haatan ummadda in uu ku wacdiyo oo sheekh ugu noqdo, dhaqanka wadaad lagu yaqaanno waxa horay iyo haatan ah, aragtidiisa dood in uu ka galo si ummaddu isaga iyo dadka ka aragtida duwan u kala garato ka xaqqa ku taagan, ee ay tahay in la kaalmeeyo oo loo hiiliyo. Dooddu na waa mid ka mid ah siyaalaha la isugu nasteexeeyo ee xaqqa iyo xalka lagu raadiyo. Dood si qarsoodi ah u dhacda waxa ka hagaagsan dood si muuqata u qabsoonta oo ummadu la wada socoto, maadaama mad’habkan sheekha ummadda ugu tahay aad ku hanuuninayso.

Ma joogno wakhigii fikirrada la la dhuuman jiray, ee waxa aynnu joognaa wakhtigii fikirrada la doodsiin jiray oo raggu na si toos ah u doodi jiray. Aragtidaadu in ay sax tahay iyo caksigeeda iyo sidoo kale tayda waxa aynnu ku faaqidi doonnaa si aqoonaysan dooddaa, bulshadu na iyada ayaa ah cidda dooddaas ka faa’iidaysa oo danta weyni ugu jirtaa. Waa adiga mutacallimka ugu weyn ee dhallinta ugu macallinka ah aragtiyadan qarriban; waa na adiga cidda ay ahay aragtiyadaa in aad difaacato oo dood ku difaacato. Horay waxa aan ugu heshiinnay dood heer degel ah, bal se waa adiga qofka ka baxay! Haatan waxa aan rejaynayaa aragtiyada in aan la la dhuuman, kol haddii la faafinayo waa in si cilmiyaysan looga doodaa oo loo wada sheekaystaa. Anigu waxa aan diyaar u ahay xaqqa in aan caddeeyo oo u hiiliyo, adigu na waxa aad aaminsan tahay xaq in aad ku taagan tahay oo u hiilinayso; hadda ba, labada xaq waa in ay helaan fursad ay ku sheekaystaan si ka “runta” ah bulshadu u ogaato. Waxa aan diyaar u ahay aniga oo geesinnimada doorbidaya sida aad jeceshahay, in aynnu miiska ku wada sheekaysanno. Adigu diyaar ma u tahay aragtidaada in aad difaacato oo dood geliso?

– Ilaahay dhammaanteen xaqqa ha ina waafajiyo. Aamiin.

 

Maxamed Cabdirisaaq Saciid – Samiik

Boosaaso, Buntilaan, Soomaaliya.

Facebook: Maxamed Cabdirisaaq Saciid – Samiik 

Comments are closed