|

Hal Aan Ka Idhaahdo Socdaalkii Nabadda iyo Eng.Faysal Cali Waraabe

Ahmed Bille's photo.

Ugu horrayn Ilaahaybaa mahad leh, marka xigta Gudoomiye Faysal waa nin is leh dadkaaga iyo dalkaaga wax u qabo balse u baahan talo badan mararka qaar waxa dhacda adigoo wanaag wada in qaabka aad hawsha u wajahaysaa kugu kiciso duufaanno iyadoo ay ku ladhantay inay duufaantaa kaaga faa’iidaystaan cidda diiddan horumarinta ummadda kana baxsanaysa sharciga iyo isla xisaabtanka Guddoomiye Faysal iyo xisbigiisa waxa dagaal kula jira ganafayaasha ku naaxay dhiiga masaakiinta, balse Gudoomiyuhu weli ma dareensana in hiigsigiisa iyo hanka xisbigiisa cid kale kasoo horjeeddo waana midda keentay in gudoomiyuhu ka gaashaaman waayo xaalado badan oo soo wajahay wakhtiyo kala duwan intaasi waa iga guud mar.

Guddoomiye Faysal, waxaan uga mahad celinayaa inuu fuliyey ilana qaatay qayb ka mida warqad talo bixin ahayd oo aan u qoray 22/11/2012, taasoo nuxurkeedu ahaa in xisbiga UCID awood gaara iyo tacab gaar ah geliyo gobolada bariga oo aan rajada xisbiga ee doorashada madaxtooyaxda lagu xidhin galbeedka Hargeysa iyo waxa kasoo baxaya xisbiga KULMIYE , balse xisbiga loo raadiyo Gaashaan-buur siyaasadeed.

Runtii gobolada bariga waxa ka jirta tabasho dayac iyo ku tumasho lagu tuntay xuquuqdoodii aasaasiga ahayd waana mida aan doonayey in damaanad cad la siiyo bulshooyinka deegaamadaas oo aan hubo in haday helaan cid ay la xaajoodaan isla markaana garanaysa milgahooda dhaqankooda iyo qiyamka ay taagan yihiin in ay codayn doonaan doorashada.

 Dadka deegaamadaasi cudud ayey is bidayaan iyo inay yihiin dhuuxii Somaliland laakiin caqliga Hargeysa yaalaa bari oo dhan wuxuu moodayaa inuu la siman yahay degmo Hargeysa ku taal dadka deegaankaas waxa la hadli kara la xaajoonkaraa nin dad yaqaan ah, dal yaqaan ah, dood yaqaan ah, weli may dhicin in arimaha goboladaa si daacada loogu kuur-galo, runtii gudoomiye Faysal wuxuu muujiyey bisayl wuxuuna ku dhiiraday goobo Siilaanyo oo tikniko wataa u hoyan waayay inuu Faysal u hoyday indhaha dadkana tusay in warka Hargeysa lagu hayaa been yahay dadkaasina yihiin dad xadaarad siyaasadeed iyo mid dhaqanba ehel u ah Siilaanyo markuu gobolka Sool booqdo 30-daqiiqo ayuu soo joogaa ka dibna Caynaba ayuu usoo hurdo doontaa, halka labada Guddoomiye xisbi ee Kulmiye iyo Waddani aanay cagba saarin halka taas bedelkeeda Faysal dhex taxaashiyey iyadoo loo muujiyey taageero baaxad leh.

Waxa xusid mudan deegaamada qaar  inuu Faysal iyadoo la leeyahay Somaliland ma nihin, dooni mayno uu ku qaabilay shucuur masuuliyadeed una muujiyey dulqaad una hogga tusaaleeyey in dalkana iyagu leeyihiin dawladuna tahay toodii, balse la dayacay dayacoodana wax laga qaban doono.

Nin ku leh ku dooni maayo oo kula doodayaa inuu ku doonayo, balse aad dayacday ayuunbuu ku tusay

Runtii Guddoomiye Faysal, wuxuu jabiyey quful 25 sanno Bari ku xidhnaa kaasoo ahaa in dhulkaasi yahay dhul aan la tegi karin oo la isku qasho, Balse uu Faysal muujiyey inuu yahay dhul nabdoon oo nimco ah

W/Q: Axmed Bile Maxamed

Hargeysa, Somaliland

Facebook: Ahmed Bille

 

Comments are closed