|

WASIIR HADLIYE: Ma jiraan Diblumaasiyiiin Iiraaniyiin Ah Oo Aanu Nidhi Dalka Ka Baxa, Xidhiidhka Iiraanna Weli Waa Sidiisii Hore

Muqdisho,6Jan,2016(QJ/SDN)-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa sheegay inay taageersan yihiin tallaabooyinka ay xukuumadda Saudi Arabia qaadday, isagoo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Safaaradda Sucuuudigu ee Tehran.

Cabdisalaan Hadliye oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhawro Axdigii Vienna, isagoo intaas raaciyay inay ka xun yihiin sida foosha xun ee loo weeraray Safaaradda Sacuudiga.

“Waxaan baahinnay war-saxaafadeed aan ku cambaareyneyno falkaas, waxaana muhiim ah in la ixtiraamo axdigii Vienna, waana kasoo horjeednaa weerarkii lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee magaaladaTehraan. Marka waxaa la doonayaa xukuumadda Iiraan ay garato mas’uuliyadeeda, annaga waxaa Taageernay wixii anu xaq u aragnay,” ayuu yidhi wasiir Hadliye.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya uu xidhiidh Wanaagsan kala dhexeeyo xukuumadda Sacuudiga, ayna ay ku taageerayaan tallaabooyinka ay qaadeen. Waxaana wasiirku uu si kulul u beeniyay warar uu sheegay inaanay waxba ka jirin oo la xiriira in dublamaasiyiinta IIraan ka dalbadeen inay dalka ka baxaan.

“Dubalmaasiyiin Iiraaniyiin ah oo aan ku niri dalka Somalia ka baxa ma jiraan, xiriirka aan la lahayn Iran waa sidiisii hore, balse waxaa jirtay in rag Iiraaniyiin ah ay maalin dhawayd nabad-sugiddu qabatay, markii ay tageen meel aan loo baah-nayn inay tagaan,” ayuu yidhi markale wasiir Hadliye.

Xukuumadda Saudi Arabia ayaa dhawaan xiriirka u jartay dalka Iiraan, iyadoo 48-saac uga dalbatay dublamaasiyiinta Iran inay Sucuudiga uga baxaan, iyadoo ay ku biireen tallaaban dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga, sida Bahrain, Kuwait, UAE iyo Suudaan oo Afrika ku taalla.

Ugu dambeyntii, Tehran ayaa si kulul u cambaareysay go’aankii ay Saudi Arabia ugu jartay xidhiidhkii siyaasadeed, Waxaana Tallaabadan ay ku Tilmaameen inay xiisad ka dhalin karto gobolka Bariga Dhexe.

Si kasta ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid labada dowladoodba is leh taageero u muuji, wallow ay hadda dowladdu sheegtay inay canbaareysay weerarkii lagu qaaday safaarada sucuudiga ee magaalada Tehraan.

Qurbejoog.Com

Hargeysa,Somaliland/Office

 

Comments are closed