Dowladda Soomaaliya Oo Hay’adda WFP Uga Digtay Inay Gargaarka ku soo Beegto Xilliga ay Beeruhu soo Go’ayaan
London,5Jan,2015(QJ/SDN)- Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedaysay dhawaan hay’adda beeraha iyo cunnada adduunka ee WFP inay Gaar-gaarka kusoo beegto xilliga uu dalaggu u soo go’ayo beeralayda Soomaaliyeed.
Wasiir ku xigeenka Beeraha Soomaaliya, Cabdicasiis Saalax Carmaan oo maanta VOA-da siiyay wareysi isagoo ku sugan London ayaa sheegay in tallaabooyinka hay’adda WFP ay niyad-jab ku tahay beeraleyda Soomaaliya. Inkastoo bishii hore ay dowladda Soomaaliya WFP u cusboonaysiisay heshiiska ay uga shaqeynayso Soomaaliya.
“Qorshaha ay WFP ku socoto waa khalad mana yeelayno mana doonayno in mar walba ay kusoo oo beegto gargaarkeeda xilliga beerleyda Soomaaliyeed uu u soo go’ayo dalagga, waxaana ugu baaqaynaa inay ka waantowdo arrimahaas oo kale. Haddii WFP ay doonayso inay wax u qabato beeraleydeenna waa inay dalagga u soo go’a ka iibsato si ay niyada ugu dhisto, ummaddana wax ha siiso,” ayuu yidhi Wasiir ku xigeenka Beeraha Soomaaliya.
Sidoo kale, wasiir ku xigeenka ayaa xusay in wasaaradu ay qorsheynayso in la horumariyo Beeralayda Soomaaliyeed, lana dhiirri-galiyo Shirkadaha Caalamka inay Maal-gashiyo ku samaystaan Soomaaliya, maadaama dhawaan uu baarlamaanka Somalia meel mariyay sharciga maalgashiga.
“Waxay Somalia leedahay 9-milayn oo hector oo dhul-beereed ah; intii deggenaashada ay ka jirtay dalka 80% dhaqaalaha dalka wuxuu ka imaan jiray beeraha, inkastoo ay iyaguna dhaqaale kasoo xaroon jiray kalluumeysiga iyo dhaqashada xoolaha nool,” ayuu yirdhi wasiir ku xigeenku
Dhanka kale, Wasiir ku xigeenka beeraha Somalia Cabdicasiis Carmaan ayaa ka hadlay qorshaha dowladda Somalia ay ku Caawinayso Beeraleyda Soomaaliyeed, wuxuuna yidhi. “Dowladda Somalia Qorshayaasha ay ku caawinayso beeraleyda Soomaaliyeed waxaa ka mid ah inay ka Hor-tagto fatahaadaha sababi kara inay beeruhu halaabaan.”
Ugu dambeyntii, dhawaan ayay ahayd ka dib markii beeralayda Soomaaliya ee Magaalada Jawhar ay cabasho ka muujiyeen hay’adda WFP iyagoona sheegay in hay’addu ay mucaawinadeeda kusoo beegto xilliga uu dalagu soo go’aayo.
Halkan Guji Oo Ka Dhagayso Wareysi Ay VOA La Yeelatay Wasiir Ku Xigeenka Beeraha Soomaaliya
Qurbejoog.Com
Hargeysa,Somaliland/Office