Magaalada Burco oo Maanta Lagu qabtay Xaflad ay Xilka Kula Kala Wareegayeen Gudoomiyaha Cusub ee Gobolkaasi Iyo Wasiir Ku Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DAAWO
Burco 05.Jan 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Togdheer Maxamed Aadan Qabo ayaa si rasmi ah Xilkii Gobolkaasi Maanta ugala wareegay Gudoomiyihii Hore ee Gobolkaas haatana ah Wasiir Ku Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye.
Xaflada Xilwareejinta Waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiinta Heer Gobol,Kuwa Degmada Burco,Madax dhaqamed Iyo Marti Sharaf kale.