|

Maxkamada Gobolka Awdal oo Xukuno Xadhig Dheer ah ku riday Dhallinyaro Kufsi Wadareed Gaystay

Saylac 05.Jan 2016 (SDN/QJ):- Maxakamadda gobolka Awdal, ayaa xukun dheer oo adag ku riday sagaal dambiile oo lagu helay inay kufsadeen  haween ku safrayay deegaanka Lawyacado. Xukunka ayaa ka dhacay degmada Saylac.

xukunMaxkamadda ayaa la horkeenay shan ka mid ah dambiilayaashan, iyadoo afar ka mid ahna la xukumay iyagoo maqan. Xukunada lagu riday ayaa ahaa 15 sannadood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500,000 (Shan boqol oo kun oo lacagta Somaliland ah]. Waxaanu xukunkani noqonayaa mid adag oo meesha ka saari kara kufsiga oo muddooyinkan dambe dalka ku soo badanaya. Maxkamadda ayaa la horkeenay qaar ka mid ah maryihii ay haweenku xidhnaayeen oo la jeex-jeexay iyo kabahoodii.

Sagaalka Nin ee la xukumay ayaa kala ah

Jaamac Cabdi Buunie (35 jir )

Nicmaan Xasan Muumin Dhegjar (35 jir )

Liibaan Sahal Xadi (36 jir )

Jaamac Jamaal Maxamed Siciid (28 jir )

Maxamed Cabdi Xareed (31 jir )

Cabdisalaan Oromo, (maqane)

Ina jeeke,  (Maqane)

Ina Aadan (Maqane)

Ina Dayig (Maqane)

Comments are closed