“Miisaanka Ay Ku Leedahay Madaxweynaha Iyo Marwada Qaranka Ayaa Noogu Wacan In Aanu Miisaankaa Soo Saaro” Wasiir Abgaal
Hargaysa 05.Jan 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa ammaanay bulshada Reer Saaxil, sidoo kalena sheegay in badhasaabka Awdal Mudane Ramaax oo uu ku tilmaamay nin fudud inay isfahamsiiyeen bulshada reer Awdal.
Hadal kaftan badan oo uu ka jeediyay munaasibad badhasaabka cusub ee Saaxil oo dhalasho ahaan gobolka Awdal ka soo jeeda iyo badhasaabka hore Fahmi Cabdi Bidaar xilka kula kala wareegayeen, dardaaran ugu jeediyay bulshada reer Saaxil iyo badhasaabka cusub.
Wasiirka ayaa geesta kale sheegay sababta haldoor badan oo reer Awdal ahi uga qayb galeen xil wareejinta badhasaabka Saaxil islamarkaana ilaa Berbera ugu socdaaleen, isagoo arrimahaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “ Su’aal kolay dadku is waydiin lahaayeen ayaa inaan ka sii jawaabaa xaq tahay. Miisaanka intan le,eg, Salaadiinta, baabuurtan is dabayaacaysa iyo wasiiradan reer Awdal ee badhasaabka intaa buunbuuninaysa ee daba cararaysa, maxay ka heleen badhasaabka ayay dad is waydiin karaan laakiin, macnuhu sidaas maaha ee Berbera ayaanu ixtiraamaynaa. Sababta aanu miisaanka u soo saarnay ee intaas u soo cararnay laba badhasaab oo is bedelaya way nagala culus tahay oo Berbera ayaa miisaan leh, halka aanu joogno ayaa Berbera ah. Berbera miisaanka ay ku leedahay qaranka, miisaanka ay ku leedahay madaxweynaha iyo marwada qaranka ayaa noogu wacan in aanu miisaanka intaa le,eg u soo saarnay.”
Wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi; “Reer Berbera waxaan leeyahay, Ramaax waa Gudoomiyaha gobolka Awdal, waa nin hadla, waa nin socda, waa nin calool furan, waa nin degdeg shaqooyinkiisa u qabsada, waa nin degdeg go,aamo u gaadha, dadka badhasaabka looga dhigay ee reer Awdalna waa dad aan hadal ilaa ay fadhiistaan.Waanu is waafajinay, maanta isagaa qadima awaliya aakhiriya Awdal, anaguna waanu kaga nasanay, labadaa markaanu iswaafajinay, maanta Ramaax iyo reer Awdal lama kala garanayo. Markaa reer Berberoow waxaan idin leeyahay halkaa waanu iswaafinaye, haddii inamo galbeed ka yimi oo shaqaysanaya lacagtu ku habsaanto, degdeg hanooga xanaaqina, inyar noo dulqaatoo iswaafajiya. Badhasaabka cusubna waxaan leeyahay cadaalad u samee dadka.