|

Xubno Horey U Shaaciyay Inay Iska-Casileen Guddiga WADADA-CAD Ee Hargeysa-Sallaxley Oo Guddiga Ka Aqbalay Inay Ka Noqdaan Is-casilaadda

Hargeysa,4Jan,2015(QJ/SDN)-Kullan casho-sharaf ahaa oo Caawa ka dhacay Hotelka ROYAL ee Magaaladda Hargaysa,ayaa waxa iskugu yimid Guddiga Dhismaha Wadada cad ee Isku xidha Magaalooyinka Hargaysa-Sallaxley iyo deegaanka Ina-Guuxa ee Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Dalka Ethopia.

Kullanka,ayaa waxa lagu shaacinayay Xubno  Guddida ka tirsanaa ooh ore u shaaciyay inay Iska casileebn Xubin-nimaddii Guddiga,taas oo ay Hogaanka Sare ee Guddigu ka diiday,isla-markaasna ay dalbadeen inay ka noqdaan Is-casilaaddaas,maadama ay yihiin Xubno Lafdhabar u ah Socodsiinta Shaqadda adag ee ay Guddigu Bulshadda u hayaan,taas oo ah sidii loo dhamaystiri lahaa Jidkaas Hal-bawlaha ah oo dhawaan si rasmi ah loo bilaabi doono Wajiggii Saddexaad,noqona doona Wajigga ugu danbeeya ee WADADA CAD.Labaddaas Xubnood oo kala ahaa Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar iyo Mustafe Garaad Maxamed,ayaa iyagguna ka aqbalay Guddiga Dalabkaas ay ula yimaadeen,waxaanay madasha ka ballan-qaadeen inay sidii hore iyo si kasii fiicanba ay uga shaqayn doonaan Hawsha WADADA-CAD.

Ugu horayn,waxa halkaas ka hadlay Gudoomiye Ku-Xigeenka WADADA CAD,ahna Ku-Simaha Gudoomiyaha Sh. Maxamed Cali Geeddi,waxaana uu faah-faahin ka bixiyay Ujeedka Kullanka Caawa ay Guddigu iskugu timid “ Caawa waxa  isku yimid Guddigii WADADA-CAD,(Hargaysa-Sallaxley-Ina Guuxa),Waxaana marti-qaadka Sameeyay Xildhibaan Siciid Libaaxo,ILAAHAY danbigiisa ha dhaafee,ujeedada Kullankani daaranaana waxa uu ahaa,Labbo Xubnood oo cul-culus oo dhawaan  guddiga iska casilay oo caawa lagu guulaystay in Guddiga dib loogu soo celiyo,iyada oo guddigu ka maarmi weyday,WADDADUNA Ka maarmi weyday,maadama oo ay ahaayeen Xubno cul-culus oo ka mid ahaa Raggii WADADA soo kiciyay ee Bilaabay,waxaana loo arkay Xubno aan laga maarmahayn,dabadeedna caawa waa laysku yimid,arrintii baa laga wado-hadlay,ILAAHAY fadligii si fiican bay ku dhamaatay,iyagguna wey naga aqbaleen inay soo noqdaan oo shaqadda halkii ay kaga jireen ay ka bilaabaan,aad iyo aadna waannu ugu faraxsanahay siday arrintu kusoo dhamaatay.

Waxa kale oo halkan lagu falan-qeeyay sidii loo dar-dar gallin lahaa Wajiggii saddexaad ee WADADA,Waxaannuna rajaynaynaa inay hawshaasi si deg deg ah u bilaabanto”. Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cali Geeddi,waxaana uu intaas raaciyay inay hadda Waddanka ka jiraan abaaro baahsanni,waxaana uu ILAAHAY Ka baryay inuu raxmaadkiisa uu ugu deeqo addoomadiisa “ILAAHAY Waxaynu ka baryaynaa inuu raxmaddiisa inaggu manaysti,iyadda oo haatan ay Abaari ina hayso,”.

Dhinaciisa waxa isna halkaas ka hadlay Caaqil Cabdirisaaq Maxamed ASKAR,waxaana uu cadeeyay inay Guddiga ka aqbaleen inay ka noqdaan Is-casiladdii hore,waxii hadda ka danbeeyana ay sidii hore u shaqayn doonaan,isagga oo Qeybaha Bulshadda guddo iyo dibadba farriin u diray “ Anniga oo ah Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar,kana mid ahaa Guddiga,kana mid ahaa Labbadda Xubnood ee hore isu-casilay waxaan halkan ka cadaynayaa in aannu ka aqbalnay Dalabkaas lanaga dalbay.Waxa kale oo aan Umadda u sheegayaa Guddigii WADADA CAD,waxaannu dheerayn ma jirin,waxase muhiim ah cidda wax wada bilawday inay wax-wada dhamayso. Waxaan halkan baaq uga dirayaa dadkii Xoolahaas WADADA Lagu sameeyay laga qaaday ama Dawlad ha  noqoto ama Dadkii ay WADDADAASI Maraysay guddo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaan,waxaan odhan lahaa Wajiggii Saddexaad baa la galay,yaynaa noqonin Addoontii intay Intay Hadhuudhka Ridiqday Intii ugu danbaysay ka tagtay.Mucddii wey dhamaatay,hadda iskabo raacis bay u baahan tahay,Ol-oliina waannu bilaabaynaaye,Nin walawba waxii aad u qoondaysay halagaa hello”.

Mustafe Garaad Maxamed oo isna ahaa Xubintii Labaad ee Caaqil Askar ku wehelinaysay Is-casiladda,ayaa isna halkaas ka shaaciyay inay Guddiga ka aqbaleen Dalabkoodii,waxaana uu si weyn uga mahad-naqay Xildhibaanka Casho-sharafta u sameeyay iyo Xubnaha Guddiga WADADA-CAD  “ Waxaan aad ugu mahad-naqayaa Xildhibaanka oo noo suura-galiyay inuu iskugu kayo yeedho Casho-sharaftan,waxaanan sidoo kale u mahad-celinayaa Walaladayadda (Guddiga Wadada Cad) ee na sharfay ee aan nagaga hadhin Is-casilaaddaas,Waxaanan arkaa inay tahay qiimayn aannu aktoodda ku leenahay oo ay na qiimeeyeen.Maadaama ay sidaas noo qiimeeyeen annagguna waannu kasoo noqonay oo waannu aqbalnay Is-casilaaddaas ay naga diideen” ayuu hadalkiisa kusoo gabo-gabeeyay Mustafe Garaad  Maxamed oo ka mid ahaa Labbaddii xubnood ee hore u shaaciyay inay is-casileen

unnamedunnamed (1)

Comments are closed