|

Suudaan Oo Ku Biirtay Dowladaha Xidhiidhka U Jaray Maamulka Shiicada Ee Iiran Iyadoona Eriday Safiirkii Iiraan U Fadhiyay Khartoum

Khartuum,4Jan,2016(QJ/SDN)-Madaxtooyada  Suudaan ayaa ku dhawaaqday Maanta oo Isniin ah in  safiirka Iiraan ee Khartoum la eryey ka dib  weerarkii lagu qaaday safaaradda Sucuudiga iyo qunsuliyadda ku lahaayeen Iraan ee Tehran iyo Mashhad.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka difaaca Saudi Careebiya Amiir Mohammed bin Salman bin Abdul Aziz ayaa maanta telefoon ka helay Wasiiru Dawlaha  Taha Osman Hussein, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee  Saudi Arabia “HBS”.

Wasiir Taha, ayaa ku Wargeliyey Amiirka In Jamhuuriyadda  Suudan go’aansatay in saafiirkii Iiraan u fadhiyey  Suudaan iyo Dhammaan hawl wadeenada Safaarada ka baxaan Dalka Sidoo Kalena ay u yeedheen  danjirahi Suudaan u fadhiyey  Iiraan.

Dhanka kale, Suudaan ayaa Canbaareysay Iiraan  faragelinta Iiraan ee gobolka, kala qaybinta ay wado ee Daa`ifiga ah  iyo in masuuliyiinta Iirazn aanay ka hor tagin  weeraradi lagu qaaday  safaaradda iyo qunsuliyadda Sucuudiga  ee Iiraan.

Sidoo kale,  Jamhuuriyadda Suudaan ayaa muujisay in ay garab taagan tahay Dawlada Sacuudi Careebiya.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Shiicada ee Iiraan ayaa isku arka awood xooggan oo iska caabin karta awoodaha tirada badan ee dowladaha Muslimiinta sunniga ah ee Caalamka.

Halkan Guji Oo Ka Eeg Qoraal Kooban Oo Madaxweynaha Suudaan Soo Dhigay Boggiisa Facebook

Qurbejoog.Com

Hargeysa,Somaliland/Office

Comments are closed