|

Boqor Qabiil Oo Maxkamaddi Ku Heshay Danbiyo Culus Oo Xabsiga Lugihiisa Ku Tagey

Suweto  04 January, 2016 (SDN/QJ): –Boqor Buyelekhaya Dalindyebo ayaa xabsiga lugihiisa ku tegay, ka dib  markii la ogollaan waayey racfaan uu ka qaatay xukun gaadhay 12 sannadood arbacadii.

King_Buyelekhaya_D_3459959bMr. Dalindyebo oo boqor u ah qabiilka Thembo, oo madaxweynahii  hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela ka soo jeedo ayaa maxkamad ku taal dalkaasi ku heshay dembi la xidhiidha dil, kufsi iyo sharci jebin iyo dab uu qabadsiiyey hanti dad lahaayeen muddo labaatan sannadood horteed.

Dawlada koonfur Afrika ayey ka jiraan ilaa toban boqortooyo oo xukuumaddu aqoonsan tahay oo wakiil ka ah qoomiyado kala duwan, isla markaana qabta hawlaha hoose ee dhaqanka beelahooda. Boqor dalindyebo ayaa tallaabadan uu xabsiga ku tegay magaalada Mthatha isagoo raacaya amarka maxkamadda sumcad u noqotay xukuumadda dalka siday u fulinayso sharciga iyo kala dambaynta.

Comments are closed