Madaxweyne Siilaanyo oo Xilalkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Iyo Taliyeyaasha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Iyo Xubno uu u Magacaabay
Hargaysa 03.Jan 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Maanta Xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Iyo Taliyeyaashii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda Waxaanu Sidoo kale Magacaabay Xubnihii Bedeli lahaa Mas’uuliyiintaas.
Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan Yahay Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige “Xuseen Dayr” ayaa u dhignaa Sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3757/012016 uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii guud ee madaxtooyada sidoo kalena waxa uu magacaabay Agaasime Cusub.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada ee JSL;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: In ay hanan karto, aqoon iyo kartina u leedahay jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh), laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale Wuxu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Xilkii ka qaaday Agaasimihii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Xasan Cabdi Madar Waxaanu Qoraalkiisa ku Sheegay inuu uga Mahadcelinayo Mudadii uu Xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda soo hayay,Waxaa Warsaxaafadeedka lagu xusay in Xilalka qaranka ay dabcigooda tahay inay meerto noqoto oo kolba cidii hannan karta loo dhiibo.
Sidaa daraadeed waxaan gartay ayuu Madaxweynuhu Yidhi in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Marwo, Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
Dhinaca Kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne uu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Ku xigeenkiisa. Halka Taliyihii hore iyo Taliye ku xigeenkiisiina la bedelay.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
- 1. In G/Dhexe, Axmed Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
- 2. In Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhinaca kale Wuxuu Madaxweynuhu ku bedelay Gaashaanle Sare Axmed Cali Maygaag Taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda iyo Ku Xigeenkiisii Dhame Cabdi Cismaan Ducaale Isagoo Ogaysiina Siiyey Taliyeyaasha Ciidamadda qaranka Iyo Booliska.
Warsaxaafadeedkan oo uu ku Saxeexan Yahay Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige ayaa lagu Yidhi
Mudaneyaal,
Waxaan idinku mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilalka Taliyaha iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka beddelo xilalka Taliyaha iyo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen G/dhexe, Axmed Daahir Cali oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Dhamme, Axmed Jaamac Ducaale (Alyoos) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.
Waxaan farayaa Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland inay mas’uuliyiintaa u magacaaban xilal ku habboon darajadooda.
ALLAA MAHAD LEH
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)