Murashax Jamaal Cali Xuseen Oo Magacaabay Xubno Uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Xilalka Hore Uga Qaaday iyo Shaki ka taagan Heshiiskii ay ku dhawaaqeen
Hargaysa 03. January, 2016 (SDN/QJ):-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Qoraal uu Maanta ka soo saaray Xafiiskii Magaalada Hargaysa Waxa uu Ku Magacaabay Mas’uuliyiin kala duwan Kuwaas oo uu Hore Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Xil ka qaadis ugu Sameeyay.
Murashax Jamaal ayaa u Magacaabay; Marwo Saamiya Cumar Xaaji Muuse, La Taliyaha Arimaha Dibadda ee Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID iyo Ismaaciil Digaale. Guddoomiyaha Ololaha Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID ee Dalka Finland.
Geesta kale, arrintan ayaa Muujinaysa Sida ay Weli u kala afkaar duwan yihiin Guddoomiye Faysal Iyo Murashax Jamaal oo Dabayaaqada Todobaadkii Tegay Warbaahinta u sheegay inay ka Heshiiyeen Wixii Khilaaf ahaa ee soo kala dhex galay inkasta oo hadalkaasi ku Koobnaa Murashax Jamaal Cali Xuseen Isla markaana uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ka aamusnaa Weedhihii uu Murashax Jamaal Cali Xuseen Warbaahinta Siiyey.