Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland Oo Geeriyooday iyo Madaxweyne Gaas Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geeridiisa
Geeridda wasiirka ayaa laga shaaciyay shirka isla xisaabtan ee kasocda magaalada Garowe, waxaana Madaxweynaha Puntland sheegay inuu geeriyooday Cabdullaahi Jaamac isagoo tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo shacabka Puntland ee uu ka baxay, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi shaqo wanaagsan hayay islamarkaana aan ku koobnayn xilkiisa qudha ee gacan ku lahaa amniga.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuke iyo xubnaha golaha wasiirrada ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii uu katagay.
Wasiirka geeriyooday ayaa sidoo kale xilligii dowladdii Madaxweyne Faroole soo noqday wasiir Dowlaha amniga Puntland, waxaana dhawaan Garoowe ku geeriyooday xaaskiisii.
Innaa Lillaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.