Wax Ka Ogow Saadaasha Qaaradda Afrika ee Sanadka Cusub Iyo Waxyaabaha Hor yaala Somaliland Iyo Somalia 2016
London 03. January, 2016 (SDN/QJ):- Shabakadda wararka ee Africa Research Institute oo xarunteedu tahay Magaalada (London) ayaa daabacday warbixin ku saabsan waxyaabaha laga fili karo Qaaradda afrika Sanadka 2016-ka ee bilaabmay.
Warbixintan oo ay soo diyaariyeen weriyayaasha shabakadaasi ee kala ah Nick Branson iyo Jamie Hitchen ayaa lagu falanqeeyey dhinacyada maamulka, dhaqaalaha, ammaanka iyo arimaha Bulshada ee qaaradda afrika iyo sida ay u ekaan doonaan sanadkan cusub ee 2016.
Ugu horayn waxaa lagu eegay sida ay suurogalka u tahay in Madaxda qaaradda qaarkood ay ku sii dheganaadaan xukunka xilli ay dastuur ahaan dhaaftay wakhtigii ay sharciga u lahaayeen inay wadan hogaamiyaan, iyadoo aftidii dhowaan laga qaaday Jamhuuriyadda Kongo iyo dalka Ruwanda ay dhabbaha u xaadhay in Madaxweynayaasha Sassou Nguesso iyo Kagame loo kordhiyo xiligii ay xafiiska joogi lahaayeen.
Marka laga hadlo jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Kongo oo isla gobolkaasi ku taalla Madaxweyne Joseph Kabila waxa uu u muuqdaa inuu doonayo inuu ku sii sugnaado awoodda marka uu dhamaado xiligiisii labaad ee madaxweynanimada oo ku eg bisha November ee sanadka 2016. Iyadoo taageerayaashiisa dawlada ku jiraa u diyaar garoobayaan inay waajahaan banaanbaxyada dadweynaha iyo canaanta beesha caalamka,
Dhanka kale warbixintu waxa ay saadaalisay in uu sii kordhi doono culayska ay daymaha lagu yeelanayo wadamada Afrika saaraan dhaqaalahooda, iyadoo xogo badan laga soo saaray kor u kaca badeecadaha suuqyada waaweyn ee qaarada sanadka 2015,gaar ahaan badeecadaha ay ka mid yihiin shidaalka iyo macdanta, qaabka lagu dhimayey culayska miisaaniyadahuna ahaa mid aan deganayn dalal badan qaarada ka mid ah, bixintii daymahuna ay hoos u dhacday.wadamada qaarkoodna ay waajaheen kala doorashada go’aamo adag oo hor yimid sida inay dhimaan kharashaadka dawlada iyo inay qaadaan ololayaal ay ku kordhinayaan ururinta dakhliga gudaha, arimahan oo ka ahaa waaqici aan meel looga baxsado lahayn dalalkii ay sanadkan doorashooyinku ka qabsoomayeen sida Zambia iyo Ghana, iyadoo qiimaha lacagahoodu si weyn hoos ugu dhaceen, booqashadii ay hay’adda lacagta adduunka ee IMF ku tagtay labadan wadana ay xambaarsanayd sidii looga khafiifin lahaa daymaha lagu leeyahay.
Warbixinta Hay’adda Africa Research Institute waxay tilmaantay fursado dhaqaale oo ka jira qaaradda, iyadoo dhaqaalaha afrika ee ku tiirsan shidaalka iyo badeecadaha kale ee la dhoofiyo uu la kulmayey dhibaatooyin ay ugu horeeyaan hoos u dhac iyo qiimo dhac, iyadoo wadamada shidaalka ku tiirsan ay ka mid yihiin dalalka Nigeria, Angola iyo Zambia, inkastoo dib u dhacan yimid keeni karo fursado ay diiradda ku saari karaan dhaqaalayaal kala duwan oo ay ku tiirsanaadaan mustaqbalka. hadalhayn badan oo kobcinta wax soo saarka beeraha ahna uu ka soconayo dalka Nigeria.
Bariga qaaradda oo ay Somaliland ka mid tahay waxay warbixintu sheegaysaa in la wado dadaalo badan oo lagu yaraynayo awood la’aanta dhaqaalaha haysata, laguna horumarinayo wax soo saarka gudaha, laguna hagaajinayo qorshayaasha dib u habaynta isgaadhsiinta gobolka, farsamadan oo ay tahay inay qaybaha kale ee qaaradu ka bartaan.
Dhanka Kale Warbixinta oo aad u dheer ayaa lagu Sheegay in Somalia la filayo inay ka dhacaan Markii Kowaad Doorasho Dadweyne inkastoo Warbixintu ka digtay Kooxaha argagixisada oo Gabood u noqday Somalia taasina Culays ku keeni Yididiilada Shacabka Somalia ee Mudada dheer u oomanaa Nabadgalyada,Sidoo kale Waxay Warbixintu Xustay inay adag tahay Siduu u Midho dhalo wada hadalo u socday Somaliland Iyo Somalia ee Turkigu Marti gelinayo.
In qaaradu sanadkan 2016 isticmaalayso gaadiidka casriga ah ayaa qayb ka ah waxyaabaha laga sii saadaaliyey. Iyadoo bishii September 2015 laga furay magaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya qaybtii hore ee jid tareenka korontada ku shaqeeya oo dhererkiisu gaadhayo 17 KM, mashruucan oo qayb ka ah maalgashiga shiinaha ee Afrika, iyadoo hawlgal kan la mid ah oo laga hirgelin lahaa Magaalada Lagos ee Dalka Nigeria uu dib u dhac ku yimid, dhowaana la filayo in xadhiga laga jaro jid tareenka cusub ee korontada ku shaqeeya oo isku xidhaya Wadamada Itoobiya iyo jabuuti.
Dhanka isgaadhsiinta gaadiidka waxa soo raaca mashruuca balaadhan ee daabulaada xamuulka oo laga furay Dalka Ruwanda, kaas oo noqonaya xamuul qaadihii ugu horeeyey ee loo adeegsado dhanka rayidka ee laga furo adduunka, isagoo ah xamuul qaade aan Duuliye wadin oo badeecadaha iyo alaabta u qaadaya masaafo gaadhaysa 80 KM, suurogalna ay tahay in uu gacan ka gaysto sidii looga gudbi lahaa caqabadaha weli hortaagan hirgelinta kaabayaasha nolosha aadamaha
Waxyaabaha kale ee ku jira saadaasha Qaaradda afrika ee sanadka 2016 waxa ka mid ah in ay sii balaadhanayso isticmaalka saxaafadda baraha xidhiidhka bulshada (social Media)
Dhalinyarada afrikaanka ayaa sii wada inay si balaadhan uga faa’iidaystaan warbaahinta noocan ah iyagoo isgaadhsiintan casriga ah u isticmaalay banaanbaxyadii ka dhacay dalalka Burkino-Faso iyo K/Afrika , sidoo kalena si guul leh ugaga hortegay inqilaabo millateri oo ka dhacay wadamo isla qaaradda ah una adeegsaday social media-ha ka hortaga qorshayaal lagu kordhin lahaa fee’ga jaamacadaha dhalinyarada qaaradu dhigtaan.
Arinta ku saabsan isbedelka cimilada iyo sidii wax looga qaban lahaa ayaa qayb ka ah waxyaabaha la filayo inay qaaradda afrika ku mashquusho sanadkan 2016. Iyadoo sanadkii dhamaaday ee 2015 daadakii jiidhay magaalooyinka Freetown iyo Accra waxay waxyeelooyin xun gaadhsiiyeen qaybihii casriga ahaa ee magaalooyinkaasi, xilli ay dabayshii El Niño eek u dhufatay bariga iyo badhtamaha Afrika ay sababtay abaaro ku dhuftay dhulka miyiga ah ee dalalka Zimbabwe iyo Ethiopia. Cimilada oo aan la saadaalin karina ay sii ahaan doonto muuqaal sii taagnaada sanadaha soo socda,
Inkastoo uu jiro heshiis ku saabsan isbedelka cimilada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha oo dhamaadkii 2015 lagu gaadhay Magaalada Paris, hadana balamada xiliga dheeri waxay ka garab shaqayn karaan xal muddo gaaban ah oo arintan loo helo, sida hagaajinta maamulka casriyaynta magaalooyinka iyo taageerada la siin karo koboca midhaha u adkaysta abaaraha sida hadhuudhka oo kale.
Dhanka kalena waxaan meesha ka madhnayn inay jiraan fursado ay cimilada lafteedu u abuurayso bulshada Afrika iyadoo dib u cusboonaysiinta tamarta sida tamarta laga dhaliyo hawada, qoraxda iyo tamarta kale ee loo yaqaano tamar-dhuleedka loo arko inay tahay waddo muhiim u ah wax ka qabashada tamar yaraanta haysta qaaradda.