Wasiir Suuriyaan ah oo Ka Dhaartay Wiil Uu Dhalay Oo Kooxaha Mucaaridka Ku Biiray
Dimishiq 03. January, 2016 (SDN/QJ):- Mid ka mid ah wasiirada dalka Suuriya ayaa dhaar ka maray isla markaana sheegay in aanu dhalin wiil uu dhalay oo ka mid ah carruurtiisa oo dhawaan ku biiray kooxaha mucaaridka ku ah dawlada dalka Suuriya, sida ay qoreen isla markaana maalmihii u danbeeyay ay baahinayeen warbaahinta dalalka carabta iyo kuwa degaanka ee dalka Suuriya.
Sida muuqata dagaalka Suuriya oo maraya meel qadhaadh waxa uu u muuqda mid wakhti xaadirkan ka dhex qarxaya qoys qoys gudaha dalka Suuriya, taas oo sababtay in aabayaal badani ay ka dhaartaan ama ku tilmaamaan in aanay awlaadoodi oo xalaal ah ahayn, qof dhibaato ba’an ka gaystay oo ku biiray dhianca kale ee ay kala afkaarta iyo siyaasada yihiin.
Sida ay ku warameen inta badan warbaahinta dawladaha Carabtu, wasiiru Dawlaha Arrimaha ammaanka u qaabilsan maamulka Bashar Al Asad, oo lagu magacaabo, Maxamed Turkish ayaa inta uu soo hor istaagay warbaahinta ka hor sheegay in wiilka uu dhalay ee la sheegay inuu ku biiray mucaaridka gaar ahaan xoogagooda loogu yeedho Ciidamada Xorta ah, aanu ahayn tafiirtiisi oo xalaal ah wax waalidnimo ah oo u dhaxaysaana aanay jirin.
Wasiirkan oo xilil kala duwan ka haya xukuumada kana mid ah dadka ay aadka isugu dhow dhow yihiin, madaxweynaha Suuriya Bashar Al Asad ayaa la sheegay inuu aad uga cadhooday wiil uu dhalay oo dhawaan ku biiray ciidamada Xorta ah ee Mucaaridka, kaas oo aan muddo badan ka sii tirsanayn ee markiiba ku dhintay magaalada Aleppo ama Xalab sida la sheegay muddo afartan cisho ku dhawaad ah markii uu la joogay ciidamada uu ku biiray, halkaas oo duqayn diyaaradeed uu ka mid ahaa koox ku naf waayay.
Wasiirkan ayaa sheegay in wiilkaasi uu la soo koray carruurtiisa kuna caasiyoobay, laakiin aanu marnaba ahayn tafiirtiisa isaga oo qaatay go’aan aanu la ogolayn haddii uu ilmihiisi yahayna uu u hogaansami lahaa, xubno ka mid ah ehelada wasiirka ayaa go’aankan uu qaatay ku tilmaamay mid ay ka keentay culays laga saaray dhinaca xukuumada madaxweyne Bashar Al Asad.
Laakiin go’aankan uu qaatay wasiirkaasi ee uu kaga dhaartay in aanu tafiir iyo ehel midna isku ahayn wiilka uu dhalay ee ku biiray mucaaridka dalka Suuriya ayaa dadka badankooda ku abuurtay anfariir iyo layaab ay ugu qaadan waayeen, sababta ku kaliftay in uu sidan yeelo oo waliba wiilkiisi oo dhintay uu ka dhaarto in aanu dhalin,laakiin dhamaan waa xaalado muujinaya heerka loogu kala fogaaday dagaalada riiqda dheeraaday ee ka socda dalka Suuriya, oo dhinacyada isku haya aad moodo in mid walba xag jir mayal adag ku sii noqonayo qorshahooda.