Hudheel Islaami Ah Oo Muusiga, Sigaarka Iyo Is Dhex Galka Ragga Iyo Dumarku Mamnuuc Ka Yahay oo laga Furay Libya
Tripoli 03. January, 2016 (SDN/QJ):- Marka akhriste aad aragto ciwaankan waxa laga yaabaa inaad is tidhaahdo malaha waxbaa ka khaldan, laakiin maaha mid uu khalad ku jiro qoraalkiisa, oo waa sida loo soo bandhigay maqaaxi cusub oo laga furay magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya, taas oo warbaahintuna si wayn u buun buunisay, maqaaxadan ayaa ah mid u gaar ah muslimiinta.
Maqaaxidan ama hudheelkan ayaa ah mid hab dhaqankiisu noqonayo, mid raga iyo dumarka mid walba meel gaar ah, albaab u gaar ah iyo qayb u gaar ah ay ka soo galayaan oo aanay is arkayn isna ogaanayn, waxa kale oo maqaaxidan ka mamnuuc ah, in lagu dhex cabo sigaarka, Shiishada ama badeecada, in lala iman karo wax Alcohol- ah iyo in wax heeso ah lagu dhagaysan karo gabi ahaanba.
Maqaaxidan oo lagu magacaabo Al Badar Cappucciano waa mid si layaab leh loogu sameeyay midabo qur qurux badan oo soo jiidasho leh, waxa kale oo ku yaala muuqaalada waxyaabaha lagu iibinayo sida cabitaanada iyo cuntooyinka, laakiin waxa albaabkeeda taagan qof ilaalo ah oo dhalinyaro ah kaas oo macaamiisha la socodsiinaya hab dhaqanka iyo macaamilka maqaaxidan.
Tusaale ahaan waxa uu deg deg nidaamka u degsan maqaaxidan u sheegayaa haddii ay u baahdaan wiil iyo gabadh wada socdaa ama qof lab iyo mid dhedig oo wada socda haddii ay u baahdaan in ay maqaaxidan wax ka cunaan, halkaas oo uu albaabka ugu sheegayo awaamiirta laga rabo, suura galna ay tahay in halkaas lagu kala reebo, haddiiba ay damcaan inay galaan hudheelka gudihiisa.
Maqaaxidan ayaa leh sadex albaab oo mid u gaar yahay hablaha gashaantimaha ah, midna u gaar yahay wiilasha dhalinyarada ah mid kalana u gaar yahay qoysaska is qaba, waxaanay mid walba looga baahan yahay inuu qaybtiisa ka galo, waxa kale oo gudaha ku yaala oo qayb waliba leedahay meel lagu tukado oo u gaar ah cida qaybtaas loo qayday.
Sida ay ku warantay jariirada Al Mukhtar ee dalka Libya waxa ay maqaaxidani ka mid tahay, sil salad maqaaxiyo isku xidhan ah oo lagu wado in dalkaas oo dhan lagu baahiyo sida ay mulkiilayaasha maqaaxidani ku waramayaan, waxaana laanteedan u horaysay laga furay magaalada Al Nasar ee magaalada Qaahira.
Maqaaxidan ayaa waxyaabaha laga ogol yahay ay ka mid tahay in dadka isku ehelka ahi ku qabsan karaan, xafladaha u gaarka ah sida xuska dhalashada, taas oo ah mid inta badan waddaadada salafiyiintu diidaan, laakiin ay maqaaxidani ogoshahay, laakiin waxa ka reeban ciida kirismiska loo yaqaano oo aan lala soo ag mari karin.
Laakiin waxa aanay maqaaxidan iyo dadka jecel in ay xusaska noocaas oo kale ah qabsadaan ku heshiinayn sida jariirada sheegtay, shuruudo adadag oo lagu xidhayo kuwaas oo ah, in aanay rag iyo dumarku is dhex gali karin iyo in aan loo ogolayn in laga dhawaajiyo wax muusig ah, sida sharciyada maqaaxidani yihiin.